Qaramada Midoobay Oo Soo Bandhigay In 80,000 Kun Oo Qof Ay Ku Barakaceen Dagaalka Ka Socda LAASCAANOOD

Laascaanood(Hayaannews) Mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in dad ka badan 80 kun oo qof ay ka qaxeen colaadda ka taagan magaalada Laascaanood.

Dadka ayaa u qaxay degaannada ka baxsan magaalada, waxaana ay dadku sheeganayaan duruufo adag oo nololeed inay lasoo deristay.