Boqorka Beelaha ARAB Oo Tacsiyadeeyay Geerida Taliyihii Hore Ciidanka Booliska Somaliland Oo Geeriyooday

INAA LI LAAHI WA INA ILEYHI RAAJUCUUN

Hargeysa(Hayaannews): Boqorka Beelaha ARAB  Boqor Maxamed Boqor Ciise isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dhaqanka iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sareeye gaas Marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 01/11/2019, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Boqorku waxa uu marxuumka ku sifeeyey halyey qaran, wuxuuna ku suntanaa ka qayb-qaadashadii aas-aaska ciidanka booliska Somaliland,Waxaanu geeriyooday isagoo ah taliyaha ciidanka booliska Somaliland muddo dheer.

Waxaanu Boqor Maxamed marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Boqorka Beelaha ARAB Boqor Maxamed Boqor Ciise

Mustafe-Janaale

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland