“Buuga Uu Duuliye Axmed Dheere Qoray Qofku Marka Uu Akhriyayo Sawirkiisa iyo Noloshiisu-ba Way Is-bedelaysaa….” Wasiir Cali-MAREEXAAN.

Wasiir Cali Mareexaan Iyo Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheere)-Hayaannews

Wasiirka Warfaafinta oo bulsahada ugu baaqay in ay ka soo qaybgalaan bandhiga buuga uu qoray Duuliye Axmed Dheere

Hargeysa(Hayaannews): Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland Cali Xasan Maxamed, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheere) oo ahaa Duuliyihii Diiday in uu Duqeeyo Magaalada Hargeysa xiligii Dawladii Soomaliya ay duqaynaysay Hargeysa.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta Cali Xasan Maxamed waxa uu ku dheeraaday taariikhada Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheere), isagoo uga mahad celiyay go aankii taariikhiga ahaa ee uu qaatay xiligii la duqaynayay dalka Somaliland.

Wasiirku waxa uu intaa ku daray in bulshada Somaliland uu ku boorinayo in ay ka soo qeyb galaan buug laga qoray taariikhada Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed dheere) oo la soo bandhigi doono 26 bishan aynu ku jirno ee April.

“Buuga Uu Duuliye Axmed Dheere Qoray Qofku Marka Uu Akhriyayo Sawirkiisa iyo Noloshiisu-ba Way Is-bedelaysaa….” Wasiir Cali-MAREEXAAN.
Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheere) oo geestiisa ka hadlay halkaasi ayaa Wasiirka Warfaafinta uga mahad celiyay soo dhawaynta iyo qaabillaada uu u sameeyay, isagoo intaa raaciyay in adduunka la diiwaan geliyo dhacdooyinka si looga qaato casharrada taariikhada isalamarkaa loogu gudbiyo jiilsha dambe.

Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed dheere) ayaa sheegay in taariikhda ku duugan dhiganaha uu soo badhigi doono oo ay ku qoran tahay taariikh uu goob joog ka ahaa taasoo uu uga dan leeyahay in la diiwaan galiyo islamarkaa wax loogu qaato.

Wasiir Cali Mareexaan Iyo Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheere)-Hayaannews

#Mustafe_Janaale
#HayaannewsOffice
#HargeisaSomaliland
Email: hayaannewsonline@gmail.com