“Cadowga Somaliland Oo Dhibaato iyo Dilal Badan Ka Gaysta Laas-caanood….” Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

FILE PHOTO: Muse Bihi Abdi, president of Somaliland © AP Photo/Malak Harb, File

Madaxweyne Biixi Oo Shaaca ka Qaaday Inay Cadowga Somalland Soo Weerareen LAASCAANOOD.

Hargeysa(Hayaannews): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in cadowga Somaliland ay Laascaanood soo weerareen,isla markaana ka hadlay dilalka iyo qalalaasaha Laascaanood.

Madadaxweyne Biixi waxa uu ku dooday in uu xanuunka la qaybanayo shacabka Laascaanood, isaga oo sheegay inay dhinteen 3 qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen 9 qof, kuwaas oo ka dhashay mudaharaadadii doraad dhacay.

“Markii aaskii laga soo baxay dhalinyaro iyo dumar caadifadoodu aad u sarayso ayaa mudaharaad abaabulay, ciidamada amaanka ayay isku dhaceen 3 qof ayaa dhintay inta la hubo 9-na waa dhaawac, waa mushkilad aynaan filay, waa mushkilad naxdin teeda leh, waan la qaybsanayna dadkii ay dadkaasi ka dhinteen” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Md. Biixi waxa uu sheegay in dilalka Laascaanood ka dhacaya ay gaystaan dad Somaliland cadow ku ah, dilalkaasi oo uu ugu danbeeyay kii Cabdifataax Cabdillaahi Cabdi, oo xisbiga WADDANI ka tirsanaa.

“Sidaad la socotaan cadowga Somaliland oo dhibaato iyo dilal badan ka gaysta Laascaanood, habeen hore waxay ku dileen nin dhalinyaro ah oo aqoon yahan ah … oo aad dadku uga damqadeen geeridiisa” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi, isaga oo ku tilmaamay in loo baahanyahay in si wada-jir ah, looga hortago arrinta dilalka qorshaysan ee Laascaanood ka dhacaya, waxaana uu ku baaqay in loo guntado sidii loo ogaan lahaa cida ka danbaysa dilalka.
isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi”Arrintaa lagu beegsanayo haldoorka Laascaanood waa arrin inooga baahan wadajir, in badan ayaynu waynay halka ay ka socotee, xukuumad, dowlad, shacbi in aynu iskugu tagno, in aynu helno mushkiladaasi halkay ka socoto” ayuu madaxweyne Biixi.

Arrintan ayaa ku soo beegantay iyada oo Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan xukuumada Somaliland ay ku sugan yihiin gobolka Sool.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

Mustafe_Janaale

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com