Ciidanka Somaliland Oo ku Diley Afar Qof Gudaha Magaalada Laascaanood 48 Saacadood Gudahood Ee La Soo Dhaafay.

Laascaanood(Hayaannews): Ugu yaraan inta la ogyahay afar qof oo shacab ah ayaa ku dhintey magaalada Laascoonood 48kii saacadood ee u dambeeyey, kadib markii Ciidamada Somaliland ku fureen rasaas nool dad isugu soo baxey banaan-baxyo Labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socdey magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka SOOL, Shacabka ayaa ka cadheysan dilal qorsheysan oo lagu dilay qaar kamid ah Hal-doorkii gobalka Sool, iyadoo cid loo qabtay aanay jirin, waxayna dadku ku eedeeyen maamul Somaliland in aanay door-weyn qaadan.

Ciidanka Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa dilay in ka badan 4 qof oo kamid ah shacabka magaalada, oo dalbanaya in la helo kuwa dilalka qorsheysan geysanaya, ee aan cidna qabanin.


Diwaangalin la sameeyey, waxaa lagu ogaaday in lagu diley dad ka badan 100 qof gudaha Laascaanod, tan sannadkii 2007-dii.
Xaraarada xiisada ka aloosan Laascaanood ayaa kor u sii kacaysa saacadba saacada ka dambeysa, iyada oo ciidamadu ku hawlan yihiin sidii ay u xakameyn lahaayeen rabshadaha ay sameynayaan dadka banaan baxayaasha ahi, kuwaas oo laga cabsi qabo iney isu bedelaan kacdoon shacab haddii aan la helin xal degdeg ah oo lagu soo afjaro falalka shirqoolada ah ee lagu khaarajinayo dadka reer Sool.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

Mustafe_Janaale

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com