“Chief Caaqil Cabdirisaaq Caqli Waxa Uu Ahaa Taariikh-yahan, Cilmi-baadhe, Qoraa Ah….” Madaxweynaha Somaliland

Hareysa(Hayaannews): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ciidamada Kala duwan ee Qaranka Somaliland, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, bahda qoraalada, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Chief Caaqil Cabdirisaaq Caqli Axmed Daad oo ku geeriyooday shalay oo ay taariikhdu ahayd 17/02/2023, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii shacbiga Somaliland iyo dib u dhiskii Dalka, muddooyinkii danbena ka mid ahaa guddida derejo bixinta ciidamada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo marxuumku ka mid ahaan jiray saraakiishii sar-sare ee ciidamadii Jamhuuriyaddii burburtay ee la isku odhan jiray Soomaaliya, waxa xusid mudan inuu marxuumku ahaa taariikh-yahan, cilmi baadhe, qoraa  ah oo buuggaag badan qoray kuwana turjumay.

Marxuum Chief Caaqil Cabdirisaaq Caqli Axmed Daad

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidamada Kala duwan ee Qaranka Somaliland, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, bahda qoraalada, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.