Waa Maxay  ISRA  WAL MICRAAJ? Warbixin- Hayaannews

Maalinta beri Sabti ah taariikhdu tahay 18.2.2023, waxay  ku beegan tahay 27 rajab ee sannadka 1444 Hijriga waxay ku beegan tahay habeenkii la dheelmiyey Nebigeenii suubanaa Mohamed Binu Cabdilaahi (N.N.K.H).Waxay ku beegnayd habeen Isniina sannadii 10aad ee soo diridii (Bicsada) Nebiga, saddex sanno ka hor intii aanu Magaalada MADIINA Al-MUNA WARA u hij-roon oo ku asteysnayd sannadkii miiladiga 621.

Habeenkii  la dheel-miyey Nebigeeni Suubaana Mohamed (N.N.K.H) waxa u yimi Malakul jibriil oo ahaa macalinkiisii isaga oo casuumad ka helay RABIGIISA, waxaanu saaray  faraskii BUREEQA waxaanu Nebiga u qaaday MASJIDKA barakeysan ee AL-AQSA sida ILAAHAY ku sheegay Suurada 15aad  AL-ISRA AayadeedA Kowaad oo macnaheedu yahay “Waxa xumaan ka nasahan ALIHII adoonkiisa Mohamed ka guura-geliyay magaalada MAKA AL-MUKARAMA habeen geeyeyna Masaajidka barakeysan ee AL-AQSA ee ILAAHAY barakeeyey hareerihiisa si uu u tusiyo aayadaha ILAAHAY. ILAAHAY ALLAHA Maqalka baddan ee Araga Baddan”.

Nebigeeni Mohamed N.N.K.H markii uu tagay Masaajidka barakeysan ee AL-AQSA waxa uu laba ragcadood uu halkaasi ku tukiyay Nebiyadii iyo Rasuuladii ka horeeyey.  Intaa kadib waxa malakul-Jibriil uu Nebiga u qaaday xagga Samada marka ay marayaan toddoba sammo korkooda oo ay marayaan Geedka la yidhaahdo ‘SIDRATUL MUNTAHA”. Sida uu ILAAHAY ku sheegay suuratada 53aad ee WANAJMI Aayadeeda 13aad marka ay gaadheen Malakul Jibriil iyo Nebi Mohamed N.N.K.H ‘SIDRATUL MUNTAHA” ayuu malakul Jibriil kaga hadhay, iyada oo uu ka cudur daartay inaanu halkaasi dhaafi Karin. Waxaanu u idmay inuu Nebi Maxamed S.CW oo hore u sii socdo.

Markii Nebi Maxamed N.N.K.H uu ILAAHAY hor-tagay waxa uu ILAAHAY ku salaamay ATIXIYAATU, AL-MU BARAKAATU,ASALA-WAATU,ADAYIBAATU LI-LAAHI.

ILAAHAY-na waxa uu ugu jawaabay: “ASSALAAMU CALEYKA AYUHA NEBIYU WA RAXMA TULAAHI WA BARAKAATU”. Kadib waxa uu NEBI Mohamed ugu jawaabay:“ASALAAMU CALEYNA WACALAA CIBAADI LAAHI SAALIXIIN”.

Malakul Jibriil oo jooga SATRATUL MUNTAHA ayaa waxa uu yidhi “ASH-HADU AN LAA ILAAHA ILALAAHU WA ASH-HADU ANA Mohamadan cabduhu wa rasuuluhu”.

Waxa la soo loo soo gudoonsiiyay Nebigeeni Suubanaa S.C.W shanta (5) Salaadood ee uu ILAAHAY waajibka kaga dhigay Nebi  Mohamed N.N.K.H iyo umaddiisa oo ajar ahaan u dhiganta 50-Salaadood oo ka kooban 17-ragcadood oo la tukanayo 24-ka saacadood ee habeenkii iyo maalintii. #Hayaannews

Waxaanu Nebigu dib ugu soo noqday iyada oo furaashkiisu diiran yahay. Kadib markii uu waagu beryey Nebi Mohamed N.N.K.H waxa uu sheegay Asaxaabtii in xalay (ISRA) la guura-geliyay lana geeyey masaajidka barakeysan ee AL-AQSA, kadibna samadda la geeyey halkaasna uu ILAAHAY kula kulmay kuna soo waajibiyey shanta salaadood ee faralka ah: Qofkii ugu horreeyey ee rumeysta dheelminta Nebi Mohamed waxa uu ahaa Saaxibkii Abubakar Sidiiq ILAAHAY Raali- ha ka ahaadee. waxaana halkaasi kula baxay magaca Sidiiq oo ah run baddane.

Waxa wada diyaariyey

Mustafe-Janaale

Sheekh Baashe Aadan Haybe

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com