“Ciidamada Qaranka Somaliland oo Gacanta Ku Dhigay Maxaabiis isugu jirta Argagixiso, PSF iyo Dad deegaanka Ah” Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan KOORE

Laascaanood(Hayaannews); Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan Laascaanood ayaa ku dhigay gacanta Maxaabiis dagaal oo isugu jirta Argagixiso, Ciidanka PSF ee maamulka Puntland iyo Malayshiyaadka degaanka oo iyaga lagu wareejiyey eheladooda.

Sidaana waxaa shaaca ka qaadey Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka SOOL.

Wasiirku isaga oo faah-faahinaya arrintaas waxa uu yidhi;

“Ciidamadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ku jira iska difaacidda weerarada kaga imanaya  kooxaha Argagixisadu waxa ay gacanta ku dhigeen maxaabiis dagaal oo iskugu jira argagixiso, ciidanka PSF ee Maamul Goboleedka Puntland iyo dad deegaanka ah oo la soo qalday.

 

Xukuumadda Jamhuuriyada Somaliland  waxa ay siidaysay maxaabiistii u dhalatay deegaanka kuna dhawaacmay dagaalka ka socda Laascaanood oo eheladoodii lagu wareejiyay maanta…”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Laascaanood, Sool

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com