Beesha Caalamka Oo War Ka Soo Saaray Colaadda Magaalada LAASCAANOOD.

Muqdisho(Hayaannews):–Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo qaboojiyo colaadda ka aloosan Magaalada Laascaanood oo sababtay dhimashada iyo dhaawaca tiradda baddan,isla markaana wada-hadal lagu dhammeeyo.

Beesha caalamku waxay walaac ka muujiyeen rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood oo galay maalintii labaad, oo sababay waxyeellada dad rayid ah oo ay ku jiraan carruur.

Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo qaboojiyo colaadda, ilaalinta rayidka, gargaar bani’aadamnimo oo aan la carqaladayn iyo in xiisadaha lagu xalliyo si nabad ah iyadoo loo marayo wadahadal.

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay. 

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com