Congressman Chris Smith Oo Sheegay In Somaliland Laga Helay Macdanta “LITHIUM”

Congressman-Chris-Smith-Hayaannews.

New Jersey(Hayaannews): Congressman Chris Smith oo laga soo doorto gobolka New Jersey ayaa kulankii shalay koongreska Mareykanka ay ku yeesheen Capitol Hill May 8, faah-faahiyey sababta xildhibaan Ingariis ah oo lagu magacaabo Tim Loughton loogu xidhay Djibouti.

Hadalkan hoose waa hadalkii Congressman Chris Smith uu shalay ka sheegay Capitol Hill:

“Xildhibaan Ingiriis ah oo lagu magacaabo Tim Loughton ayaa dhamaadkii April lagu xidhay Djibouti.Tim Loughton waxa uu Djibouti ku xidhnaa muddo ka baddan 7 saacadood, waxaana uu Djibouti ka soo galay dhinaca Somaliland.Xadhiga Tim Loughton waxa ka dambeysay dawlada Shiinaha oo xidhaysa siyaasiyiinta booqashada ku taga Somaliland,maxaa yeelay Shiinuhu ma rabo in Somaliland ay cilaaqaad la yeelato Taiwan.

Dhawaan waxa Somaliland laga helay macdanta Lithium oo aad u badan, waxana shirkadaha Taiwan ay doonayaan in macdantan Lithium ay maalgashadaan,taasna waa mid Shiinaha uu aad uga soo horjeedo”.

Lithium waa macdan aduunku uu aad ugu baahanyahay,waxana laga sameeyaa baytariga iyo baabuurta electronica-ga ah. Sannadkan 2024 bangiga Maraykanka ee Goldman Scahs iyo BloombergNEF labadaba waxa ay sheegeen in 2024 baahida aduunku u qabaan Lithium ay kor u kacday 6%.

Dhulka istiraatiijiga ah ee ay ku taalo Somaliland, iyo macdanta Lithium ee hadda laga helay Somaliland ayaa waxa ay sare u qaadaysaa qiimaha ay Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay gobolka.

Congressman-Chris-Smith-Hayaannews.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: hayaannewsonline@gmail.com