Cabdiraxmaan-CIRRO Oo ka Hadlay Kulan Uu La Yeeshay Madaxweynaha Somaliland Iyo Dhexdhexaadintii Daahir Rayaale.

Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Cabdiraxmaan Cirro-Hayaannews

๐—ฆ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฒ๐˜… ๐—พ๐—ผ๐—ฑ๐—ผ๐—ฏ ๐—ผ๐—ผ ๐— ๐˜‚๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜… ๐—–๐—ถ๐—ฟ๐—ฟ๐—ผ ๐˜€๐—ต๐—ฒ๐—ฒ๐—ด๐—ฎ๐˜† ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†ย  ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐˜…๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป๐—ฒ ๐— ๐˜‚๐˜‚๐˜€๐—ฒ ๐—•๐—ถ๐—ถ๐˜…๐—ถ ๐—ธ๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฒ๐—ฒ๐—ป ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ธ๐—ฎ .

Hargeysa(Hayaannews): Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan-CIRRO) ayaa k hadlay kullankii maanta dhexmaray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi,kaas oo ka dhacay Qasriga madaxtooyada Somaliland.

Murashax Cirroย  waxa uuย  Madaxweyne Biixi Iyo Hoggaankiisa Xisbiga KULMIYE u sheegay In Somaliland ay ku soo caano maaashay degannaan, nabadgelyo iyo dhabo doorasho oo ku dhisan hannaanka dimuqraadiyadda taas oo u baahan in halkii laga sii ambaqaado laguna faro-adaygo, isaga oo xasuusiyey in Xisbiga WADDANI uu muddaba u taagnaa in dalkani ka qabsoomaan doorashooyin xor iyo xalaal ah isla markaana Xisbi ahaan ay u diyaar garoobeen una taagan yihiin in Shacabku gegida dimuqraadiyadda uu garsoore ka noqdo una ooman yihiin reer Somaliland in helaan xuquuqdoodii doorasho.

Murashaxa & Hoggaanka Xisbigu waxa ay sida oo kale xuseen in Jidkii doorashooyinka la qaaday isla markaana la wada xaliyey dhammaan caqabadihii ku gedaamnaa hannaanka doorashooyinka, Shacabkuna ay isu diyaarinayaan u diyaar garowga doorashooyinka isku sidank ee muddeysan November sannadkan 2024

Sidoo oo kale waxa ay isla meel dhigeen dhiggooda in la soo celiyo hannaankii wada-shaqeynta Axsaabta Qaranka, lagana sii ambaqaado in kulamo dambe oo howleed la isugu yimaaddo si loo jeexo jidka ololaha doorashooyinku innoogu dhacaa oo bilaa turxaan.

Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Cabdiraxmaan Cirro-Hayaannews

Murashaxa iyo Hoggaanka Xisbiga WADDANI waxa ay u mahadcelinayeen Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaal Kaahin oo wakhtigiisa ku bixiyey isla maarkaana dedaal badan geliyey in daneeyayaashu isa soo hor-fadhiistaan isla markaana ka wada hadlaan arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland