Diyaaradaha Aan Duuliyaha Lahayn Ee Turkiga Oo Soomaaliya Ka Geystay Weerar Naxdin Leh Oo Lagu Gumaaday Dad Rayid ah

Muqdisho(Hayaannews)-Diyaaradaha droneka Turkiga ayaa duqayn ay ka geysteen meel ka baxsan Muqdisho, waxa ay ku dileen 22 qof oo rayid ah, halka ay dhaawaceen 21 qof oo kale.

In badan oo ka mid ah dadka ku dhintay weerarkan waa carruur, sida uu tabiyay Wargeyska Washington Post oo soo xigatay laba il wareed oo dhinaca ammaanka ah.

Weerarkan waxa lagu bartilmaameedsaday Dad rayid ah oo degan tuulada Baqdaad oo ah  deegaan beereed 25km waqooyi bari  ka xiga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Waxa duqeyntani dhacday xilli fiidnimo ah oo ay nabad ku afureen dadkaas la laayay.

Weerarkani waxa uu dhacay,  iyadoo maalinimadii ay isku dhaceen ciidammada NISA iyo millatariga Soomaaliya.

Goob jooge u taagnaa dhacdadan foosha xun ee Turkigu geystay, ayaa sheegay in weerar kale lagu laayey dadkii doonayey inay u gurmadaan goobta la duqeeyay halkaasna ay ku dhinteen dad maxas ah oo iskugu jiray  haween iyo carruur.

Weerarkan naxdinta  leh kama ay hadal dawladaha Soomaaliya iyo Turkigu. Waxase beeniyay oo iska fogeeyay taliska ciidammada Maraykanka ee Africa oo shaaciyay in aanay wax lug ah ku lahayn weerarkaasi.

Turkigu wuxuu xoojiyay joogitaanka millatarigiisa ee Soomaaliya, waxana ay sheegeen inay ciidammada Soomaaliya ka gacan siiyaan dhinaca tababarada iyo la dagaalanka Alshabaab.

Cumar Maxamed Faarax

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland