Dawlada Maraykanka Oo Shaacisay Inay Dishay Hoggaamiyihii Daacish Ee Soomaaliya

U.S. Defense Secretary Lloyd Austin attends a press conference at Ramstein Air Base in Ramstein, Germany, Jan. 20, 2023.

Washington(Hayaannews) Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay dileen hoggaamiye sare iyo xubno kale oo ka tirsan ururka Daacish ee Soomaaliya, ka dib hawlgal ay ka fuliyeen woqooyiga Soomaaliya. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in xubnaha hawlgalkaas lagu dilay uu ku jiro Bilaal-al-Sudani oo ah, hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya.

“Bishan January 25-keedii ayaa amar ka yimi Madaxweynaha, wuxuu milateriga Maraykanku uu hawlgallo gaar ah ka fuliyey Soomaaliya, halkaas oo lagu dilay xubno ka tirsan Daacish, oo uu ku jiro Bilaal-al-Sudani, oo ah hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya, ahaana fududeeye muhiim ah oo ka tirsan shabakadda caalamiga ah ee Daacish” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed uu soo saaray wasiirka difaaca ee Maraykanka Lloyd J. Austin III.

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in al-Sudani uu ka masuul ahaa kobcinta iyo joogitaanka sii kordhaya ee ururka Daahish ee qaaradda Afrika iyo weliba maalgelinta hawlgallada kooxda ee adduunka oo dhan, oo ay ku jirto Afghanistan.

“Tallaabadani waxay kor u qaadaysa ammaanka iyo bedqabka Maraykanka iyo saaxiibadiisa, waxayna ka tarjumaysaa sida ay nooga go’an tahay in aan Maraykanka ka ilaalinno khatarta argagixisada gudaha iyo debeddaba.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda gaashaandhiga ee Maraykanka.

Wasaaradda gaashaandhigga ee Maraykanka ayaa sheegtay inaanay jirin dad rayid ah oo wax ku noqday hawlgalkan. Waxayna u mahadceliyeen laamaha ammaanka ee Maraykanka, kuwa sirdoonka iyo saaxiibada Maraykanka ee ka taageeray hawlgalkan guulaystay.

U.S. Defense Secretary Lloyd Austin attends a press conference at Ramstein Air Base in Ramstein, Germany, Jan. 20, 2023.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

Mustafe_Janaale

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com