Muqdisho(Hayaannews): Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa soo
dhaweysay sida uu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu u aqbalay in
wada shaqeyn dhow yeeshaan Dawlada Soomaaliya
Sidaa Waxa lagu sheegay Warsaxafadeed ka soo baxay caawa
Xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxaanu u dhignaa sidan:
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida
Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu u aqbalay in
Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan.
Dowladdu waxay u aragtaa in tallaabo wanaagsan hore loo
qaaday, waxayna xoojineynaa aqbalaadda Madaxweyne Biixi, iyada oo diyaar u ah
in ay ka miro dhaliso wada shaqeyntaas.
Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay
dhiirrigelinaysaa dadaalka uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy
Axmed oo muujiyay sida ay uga go’antahay dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee
Geeska Afrika oo ay Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritreeya hormuudka ka
yihiin.