Dawladda Somaliland Oo Dalka Ku Soo Dhawaysey Wefti Culus Oo Ka Socda Dalka UK

Dawladda Somaliland Oo Dalka Ku Soo Dhawaysey Wefti Culus Oo Ka Socda Dalka UK

Hargeysa(Hayaannews): Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland marwo Rooda Jaamac Cilmi oo uu weheliyo wakiilka Somaliland u fadhiya Ingiriiska Amb Cabdi Cabdillaahi Xirsi ayaa gegida diyaaradaha caalamiga ah ee Cigaal ku soo dhaweysay wefti heerkiisu sarreeyo oo ka socda dalka boqortooyada Ingiriiska, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku yimi dalka Somaliland.

Weftiga ayaa waxa hoggaaminayay Alexander Stafford iyo Tim Loughton oo ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska. Waxa kale oo labada xildhibaan weftiga ku wehelinayay saxafiyiin caalami ah iyo xubno kale oo u dhaqdhaqaaqa qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Wefitigan heerkiisu sarreeyo oo Somaliland u yimi booqasho xaqiiqo raadin ah, ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan doona dalka iyaga oo kulammo la yeelan doona masuuliyiinta sarsare ee dalka.

Dedaallada booqashada weftigan sare waxa doorweyn ka qaatay safaaradda Somaliland ee dalka Ingiriiska.

Dawladda Somaliland Oo Dalka Ku Soo Dhawaysey Wefti Culus Oo Ka Socda Dalka UK