Wasiir Ka Tirsan Xukumadda Somaliland Oo Lagu Qaabilay Qasirga Looga Arrimiyo Dalka Isu-tagga Imaaraatka Carabta

AUE(Hayaannews): Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Mudane, Cadillaahi Faarax Cabdi iyo La-taliyihiisa Ibraahim Cali Yuusuf oo booqasho Shaqo oo wax ku ool ah ku jooga dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa wada-hadallo la yeesheen Maal-gashadayaasha Tamarta,

Wasiirka waxa qasriga boqortooyada ku qaabilay Mudane Sheekh Saud bin Saqr al-Qasimi, oo ah Golaha Sare ee UAE.  Xubin ka tirsan Imaaraadka ahna Xaakimka Ras Al Khaimah.  Daliil u ah xidhiidhka adag iyo wada shaqaynta midhadhalka leh ee ka dhaxaysa Labada Wadan ee Somaliland iyo Imaaradka.