Gabadhii Ugu Horeysay Ee Soomaali Mareykana Deeqa Dhalac Ee Ku Guuleysatay Maayirka Magaalada  South Portland City ee Gobolka Maine

Maine(Hayaannews) Xildhibaan Deeqa Cabdi Dhalac ayaa ku guuleysatay Maayarka cusub ee magaallada South Portland City ee gobolka Maine ee dalka  Maraykanka.

Gabadhan Soomaali Mareykanka Deeqa Dhalac waa qofkii ugu horeeyey ee Afrikan ah ,Muslim ah, Soomaali ah oo xilkaasi ka qabta dalka Maraykanka.

Dhinaca Kale, Deeqa Cabdi Dhalac ayaa sannadkii Dec 13 2018 ayaa waxay ku guuleysatay kursiga golaha deegaanka ee magaaladda South Portland ee gobolka Maine.

Sidoo Kale, Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa bogaadiyay Maayirka cusub ee Magaalada South Portland City ee gobolka Maine ee dalka Mareykanka Deeqa Cabdi Dhalac, waxaanu yidhi “Waxaan hambalyo bogaadin kal iyo laab ah u dirayaa Xildhibaanad Deeqa Cabdi Dhalac Oo  ku guulaystay Maayarka cusub ee magaallada South Portland City ee gobolka Maine ee dalka  Maraykanka.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“ Deeqa Oo aan beri hore Macallin u ahaan jiray aad Baan Ugu faraxsanahay guusheedda. Waa qofkii ugu horeeyey ee Afrikan ah ,Muslim ah, Soomaali ah oo xilkaasi ka qabta dalka Maraykanka. Waan u duceynayaa inuu Ilaahay xilkaasi ku asturo.”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Mustafe_Janaale(#MJ)

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com