“Dhaliisha Aan U jeediyay Komiishanka Doorashooyinka Somaliland “KDQ” Ma Ahayn Mid Ka Turjumeysa Kicin iyo Qalalaase siyaasadeed.”Aqoonyahan Aadan Daa’uud Gadhweyne.

Aadan Daa'uud Gadhweyne-Hayaannews

“Waxa aan Dhammaan shacbiga Somaliland u soo jeedinayaa isku duubni iyo midnimo wakhtigan xasaasiga ah”

Hargeysa(Hayaannews): Aqoonyahan Aadan Daa’uud Gadhweyne ayaa waxa uu raali-geliyey Komiishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland,isaga oo ugu baaqay shacabka reer Somaliland isku duubni iyo midnimo wakhtigan xaasaasiga ah ee lagu jiro.

Aadan Daa’uud Gadhweyne waxa uu sidaa ku sheegey qoraal kooban oo uu soo gaadhsiiyay Xafiiska War-qabadka ee Shabakada Wararka ee Hayaannews, waxaanu u dhignaa sidan:

Ramadan Mubarak..

Xaashaa, Dhaliisha aan u jeediyay Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland “KDQ” ma Ahayn Mid ka turjumeysa Kicin iyo Qalalaase siyaasadeed. Balse waxa ay ahayd mid wax dhiseysa. Xaashaa wajuud, Kana dheere mid wax burburinasa.

Taa aawadeed, Waxa aan xog rasmi ah ka helay shaqada fiican ee ka socota xarunta KDQ oo ah mid ay muujiyeen diyaar garaw xooggan si ay u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah dhammaadka sanadkan.

Sidaa Darteed, Waxa aan raali galin buuxda Siinayaa Gudida KDQ, oo uu ugu horeeyo Gudoomiye Muse iyo Cid kasta oo dhibsatay qoraalkeygii hore aan ugu baahiyay bar kulankeyga Facebook.

Ugu Danbeyn, Waxa aan Dhammaan shacbiga Somaliland u soo jeedinayaa isku duubni iyo midnimo wakhtigan xasaasiga ah ee lagu jirro.”

Aadan Daa’uud Gadhweyne-Hayaannews

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland