Dhalinyarada Reer GADIID Ee SACAD MUUSE Oo Taageero Buuxda Uu Muujiyay Murashaxnimada Golaha Wakiillada Ee Prof Cabdiraxmaan Axmed Shunuf

Hargeysa(Hayaannews): Dhalinyarada, kala duwan Beesha Reer GADIID Nuux Ismaciil oo ka mida beelaha Sacad Muuse ee reer Somaliland ayaa taageero buuxda u muujiyay Murashaxnimada Aqoonyahan Prof Cabdiraxmaan Axmed Shuruf oo u taagan doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee la filayo inay sannadkan 2021 ka qabsoonto Somaliland.

Murashax Cabdiraxamaan Axmed Shuruf oo ka mida aqoonyahanka reer Somaliland ayaa waxa uu sheegay inay murrashaxnimadiisu ka dhalatay wada-tashi uu la sameeyey dad kala duwan oo ay isku beel ka soo jeedno iyo asaxaabtayda, kuwaasoo igu dhiiri-geliyey in maanta fursaddaasi ii banaan tahay, ayuu yidhi.

Munaasibada loo sameeyey taageerada Murashaxnimada Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee la filayo inay dalka ka qabsoonto sanadkan 2021-ka ayaa waxa ka soo qeybgalay Cuqaasha, Aqoonyahan, Dhalinyarada kala duwan oo halkaasi ka hadlay ayaa waxay dhammaantood isku raaceen inay gaageersan yihiin Murashaxnimada Prof Cabdiraxmaan Axmed Shunuf.

HALKAN HOOSE KA DAAWO