Horumarinta Dhaqaalaha Maxaliga ah iyo Fursadaha Ganacsi ee Ka Jira Degmada Bali-gubadle Ee Gobolka HAWD.  

Bali-gubadle(#Hayaannews): Degmada Bali-gubadle waa Xarunta Gobolka HAWD, waxayna ka mid tahay Degmooyinka dalka ee darajada ‘’C’’ ah. Dawladda hoose degmada Bali-gubadle waxa ay mashruuc tijaabo ah (Pilot Project) La-fulinaysaa Ururka Dawaladaha Hoose Somaliland (ALGASL) iyo Ururka Dawladaha Hoose dalka Netherlands (VNG), mashruucaasi oo ku Waajahan Horumarinta Dhaqaalaha Maxaliga ah (Local Economic Development – LED).

Magaalada Bali-gubadle waa meel ay ka jiraan fursado baddan oo la xidhiidha dhanka Horumarinta Dhaqaalaha maxaliga tusaale ahaan, Ganacsiga Xoolaha ee wakhtiga Ciidda Carafo, wax soo saarka Beeraha iyo Isu-Socodka Ganacsiga Xuduudda (border-trade) ee Itoobiya iyo Soomaliland, kaasi oo maalin kasta ay isaga Kala Gooshaan labada dal Gawaadhi tirro baddan oo Alaab kala soo degga Dekedda Berbera, kuna Waajahan dalka Itoobiya. Gawaadhidaas xamuulka ahi waxay dakhli- cashuureed soo geliyaan Dawladda hoose ee Bali-gubadle iyo bulshada ku dhaqan deegaanka oo ka ganacsada, kana hela Faa’iido dhaqaale adeega ay u fidayaan gawaadhidaasi.

Sidaa waxa lagu sheegay War-bixin uu diyaariyey Agaasima Waaxda Qorshaynta iyo Horumarinta Dawladda Hoose degmada Baligubadle. Khadar Hassan Abdi oo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Wararka ee #Hayaannews

Dakhli-cashuureedka laga helo isku socodka ganacsi- xuduudeedka wuxuu fursad u siiyey, Kana Caawiyey Dawlada Hoose inay kor u qaado, isla markaana ay balaadhiso adeegyada ay bulshada u fidiso iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka iyo bilicda magaalada Bali-gubadle. Mashruuca ugu weyn ee laga hirgaliyey gobolka Hawd waa dhismaha waddada isku-xidha Baligubadle iyo Hargeysa, iyadoo Hirgalinteeda ay Iska Kaashadeen Bulshada Deegaanka, Xukuumadda dhexe iyo Dawlada Hoose ee Bali-gubadle. Si kastaba ha ahaatee, dhameystirka dhismaha Waddadaasi waxay Bulshada u horseedi doontaa Horumar Balaadhan oo dhanka koboca dhaqaalaha ah, Ganasiyada iyo Shaqo Abuurka ah.

Dhanka kale, Xiliyada Ciidda Carafo waxay Magaalada Bali-gubadle marin u tahay xoolaha Itoobiya ka imanaya ee soo galaya Caasimadda Hargeysa iyo kuwa loo wado u dhoofinta dalalka Khaliijka Carabta. Waxa kale oo iyaduna aan meesha ka maqnayn dhanka wax soo saarka Beeraha sida Beerista Khudaarta Geed-gaabka ah (Cash crops) iyo kuwa Geed-weynta ah (Vegetables/fruit trees).

Ugu danbayntii, Bali-gubadle waxa ka jira fursado waaweyn  oo la xidhiidha ka faa’iidaysiga xoolaha nool, Beeraha, Caanaha iyo Ganacsiga Xuduudda Itoobiya iyo Somaliland). Sidaasi oo ay tahay, Hadana waxa jira caqabado Baddan oo hortaagan in fursadahaasi si wanaagsan looga faa’iidaysto. waxaana ka mid ah; Waddo-Xumaanta,  Gabaabsiga Korontada, Biyo Nadiif ah oo la cabbi karo oon Jirin iyo Shaqaale Xirfado leh oo ku yar Magaalada, taasi oo ay Sabab u  tahay dhawaanshaha Caasimadda Hargeisa oo dhalinyaradii Xirfadda lahayd ay soo wada galeen si ay uga Raad-sadaan fursado shaqo.

Sidaas darteed, waxa lagama maar-maan ah oo aad loogu baahan yahay  in dhalinyarada ku hadhay Deegaanka iyo kuwa ku soo noqonayaba lagu Jiheeyo Kobcinta dhaqaalaha Gobolka, iyadoo Fursado Ganacsi iyo kuwo Shaqo loo abuurayo, isla markaana laga qayb-galinayo Go’aanada siyaasadeed ee la xidhiidha horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta adeegyada Aasaasiga ah ee heer Degmo ilaa heer Gobol ee guud ahaan Gobolka Hawd.

#Hayaannews,Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com