“DHOOHANE IS DABA QABO” Maanso Cusub Oo Tiriyey Ugaaska Guud ee Beelaha Somaliland Ugaas Ahmed saeed

Ugaas-Axmed-Maxamed-Siciid-Cali-Mahadi-Hayaannews

Hargeysa(Hayaannews): Ugaas guud ee Beelaha Somaliland Ugaas Axmed Maxamed Siciid (Axmed Cali-MAHDI) ayaa waxa uu tiriyey Maanso Cusub la magacbaxday “DHOOHANE IS DABA QABO” oo leh wajiyo iyo dhacdooyin badan, tallooyin ku wajahan Dad badan iyo go’aamo ku talo gel leh wakhtiga xaadirka ah

Hadaba Shabakada Wararka ee #Hayaannews ayaa waxa u soo gudbinaysa akhristayaasheeda, waxaanay u dhignayd sidan:

Wuxuuna yidhi sidan:-

DHOOHANE IS DABA QABO

Ninkii Dhiilka kuu culay

Caanaha dhan kugu yidhi

Amba dhayda Maandeeq

Isagoon dhadhamin wali

Marna dhaqasho kaa rabay

Adiguna dhabcaal yahow

Miyuu kuugu dhacay Ceel

Casharadii u kuu dhigay

Awogaa ku dhabar jabay

Tolna kala dhaqaaqeen

Codka dhiibo kugu yidhi

Kuna dhererso qayrkaa

Si Nin dheer u soco oo

Igu dhaado kugu yidhi

Adoon dhigan abaal dhaba

Dhib markaad la kulantiyo

Jartii cadawgu kuu dhigay

Kaa ilaashay Dhuuryada

Iyo dhaawac fara badan

Inta aysan kugu dhicin

Dhimashada xanuunka le

Adna Dhuxun ku reebow

Waad dhaqan xumaato

Sheekadii dheg dheer iyo

Weedhahii dhan xiirkiyo

Rag wuxuu ka dhiidhiyo

Hebel  baa wax ii dhimay

Ku dheeraatay ceebayn

Biyo kama dhibcaan iyo

Dhabna  kuugu sheege

Dhego yeelo oo maqal

Waligay kumaan dhihin

Dhihi maayo maantana

Luqun baa far dhaaftee

Dhagax ba halka yaala

Tallo iyo dhamaadkeed

Dheel dheel ciyaar iyo

Lax dhunkani abaar mood

Soo dhaaf warkaaguye

Maandeeq ka dhaxasho

Dhib yaraan la hoyatee

Soo dhawaynta la ogoow

Waanad dhaba baycayso

Waad dhallaan hadaaqde

Dhulka garo in kugu filan

Maruun dhawr xishoodko

Yeelahaagan kala dhacay

Dhaadanaata ka fagow

Adna dhagax dixeedoow

Hebelkaa Dhul yaaloow

Xil ma dhibe ma dhaadow

Dhawr saniyo dheeraad

Dhito iyo dhab hadalkii

Wixii dhagar laguu galay

Ama dhiig laguu shubay

Waad dhabar garaacdo

Dhib yaraan xaraashtee

Dhicis iyo ma dhaamiyo

Dhurwaagii Gamaad iyo

Bahal baad u dhiibtoo

Waanad kala dhantaashe

Ku dhahee dhaqaaqoo

Dhoohane is daba qabo.

Anna doorkan dhaantada

Iyo dheesha cugashadu

Nin dhawaaqay meelee

Halka aan dhidbanayana

Dhanku xigo tilmaanteed

Waa dharaar cad muuqaal

Hadal iyo dhamaadkii

Nacas iyo dhiggii maaha

Doqon iyo dhegweyn maaha

Ninan dhiig lahayn maaha

Dhankan iyo dhankaa raace

Oon dhiirran karin maaha

Siin iyo Dhareer maaha

Geesi dhaatay weeyaane

Maalintay dhanaanaato

Ama laysla dhaco Suuga

Dhibta iyo kulayko dhan

Dalka dhiciya weeyaane

Markuu dhiibo ruuxdiisa

Dhulka sheegta weeyaane

Ha la dhawro waa guule.

Kuu sheege yeelka !!!

Ugaas-Axmed-Maxamed-Siciid-Cali-Mahadi-Hayaannews

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: hayaannewsonline@gmail.com