Dowlada Canada Oo U Soo Jeedisay Baarlamaanka Somaliland In La Dar-dargeliyo Doorashooyinka Gaabiska Noqdey.

Nuxurka Kulankii Dhexmaray Gudoomiye ku xigaanka 2aad ee Baarlamaanka Somaliland Md.Cali Xaamud Jibriil iyo dhigiisa dalka Canada MP. Chris D’entromenta

Canada(Hayaannews): Dowladda Canada ayaa u soo jeedisay Baarlamaanka Somaliland in la dar-dar geliyo Doorashooyinka si looga midho dhaliyo nidaamka Dimuqraadiyada ee ku dhisan Axsaabta baddan.

Gudoomiye ku xigaanka 2aad ee Baarlamaanka Somaliland Md.Cali Xaamud Jibriil oo kula  kulmay magaalada Ottawa dhigiisa waddanka Canada MP. Chris D’entromenta ayaa ka wada hadlay arrimo la xidhiidha Doorashooyinka Somaliland iyo xidhiidhka iskaashi iyo wax wada qabsi ee labada golle Baarlaamaan Canada iyo Somaliland. Iyaga oo si gaar ah diirada u saarey sidii loo xoojin lahaa Mashaariicda horumarineed ee Dhinacyada adeega bulshada.

Xildhibaan Chris ayaa u soo jeediyey baarlamaanka Somaliland in la derdar geliyo hawlaha Doorashooyinka.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Waqooyiga Ameerica Cabdiqani Axmed Askar oo uga waramay Hayaan Media kulanka ayaa sheegay inuu qayb ka yahay booqasho uu Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Somaliland Md.Cali Xaamud Jibriil ku galaa bixinayo waddanka Canada iyo Dalka Maraykanka, kuwaas oo kaga qaybgalayo Munaasibada xuska 18 May Sanadguurada 32aad ee Madaxbanaanida Somaliland.

Mr. Abokar waxa kale oo uu xusay in Gudoomiye Xaamud la yeeshay kulan Wasiirka Kalluumeysiga dowladda Canada MP. Joyce Murray.

Gudoomiye-ku-xigeenka 2aad ee golaha Wakiiladda Somaliland Md. Cali Xaamud Jibriil ayaa waxa uu la kulmay dhigiisa baarlamaanka dalka Canada Xildhibaan Chris D’entroment iyo Wasiirka Kalluumeysiga dalka Canada ahna Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaasi Md. Joyce Murray waxaanay ka wada hadleen sidii loo dar-dargelin lahaa doorashooyinka dalka Somaliland, isla markaana loo sii xoojin lahaa xidhiidhka iskaashi iyo wax wada-qabsi ee labada Golle Baarlamaan Canada iyo Somaliland.

Xidhiidhka labada dal ee Canada iyo Somaliland gaar ahaan xoojinta mashaariicda horumarineed ee dhinacyada adeega bulshada.

Gudoomiyaha qurbo-joogta Somaliland ee waqooyiga Ameerika Cabdiqani Axmed Askar ayaa xusay in kulamadan ay qayb ka yihiin booqashada uu Gudoomiye Cali Xaamud Jibriil uu ku gaalaa bixinayo waddanka Canada iyo dalka Mareykanka oo uu kaga qaybgalayo xuska sanad-guurada 32aad ee madax-banaanida Somaliland ee 18-Ka May. Waxa kale oo kulankaasi goob-joog ahaa Wakiilka Somaliland ee dalka Canada Marwo Luul Cismaan.

Gudoomiye ku xigaanka 2aad ee Baarlamaanka Somaliland Md.Cali Xaamud Jibriil oo kula kulmay magaalada Ottawa dhigiisa waddanka Canada MP. Chris D’entromenta

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

 

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com