Nuxurka Qoddobada Ay Ka Wada Hadleen Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Aamiirka Qadar

Madaxweyne-Xasan-Sheekh-iyo-Amiinrka-Qadar-Tamim-bin-Hamad-Al-Thani-oo-maanta-ku-kulmay-magaalada-Doha

WASHINGTON(Hayaannews): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqsho ku joogaa magaalada Dooxa ee waddanka Qadar ayaa la kulmay Amiirka dadkaas Tamim bin Hamad Al Thani.

“Madaxweynaha Dalka Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiirka Qatar Mudane Sheekh Tamiim Binu Xamad ayaa kulankooda diirradda ku saaray xoojinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dhammeystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Qatar, taas oo dhabbaha u xaareyso adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood.” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne-Xasan-Sheekh-iyo-Amiinrka-Qadar-Tamim-bin-Hamad-Al-Thani-oo-maanta-ku-kulmay-magaalada-Doha

“Dhankiisa, Amiir Tamiim Binu Xamad ayaa bogaadiyey guulaha miro-dhalka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta Al shabaab, isagoo dowladda Soomaaliya ku ammaannay daddallada ay ku bixineyso ka sifeynta dalkeeda argagixisada iyo in ay hormuud u noqoto xasillooni waarta oo ka hirgasha Gobolka Geeska Afrika.” ayuu raaciyay bayaanka Villa Soomaaliya.