Dowladda Bangaladheesh Oo Is-hortaagtay Weerar Ciidanka Badda Hindiya Ku Qaadi Lahaayeen Markab Ay Haysato Budh-cad Bedeed Soomaali Ah

Bangladesh(Hayaannews):Dowladda Bangaladheesh ayaa iska hortaagtay ciidanka badda ee Hindiya inay weeraraan Markab la yiraahdo MV Abdullah oo ku jira  gacanta koox  budh-cad bedeed Soomaali ah.

Warbixin ku saabsan xaalada markabkaas oo laga leeyahay dalka Bangaladheesh ayaa tilmaantay budhcad badeeda haysata markabka inay khibrad ka heleen dhibaatadii ku dhacday koox haysatay Markab MV Ruen oo ciidamada badda Hindiya gacanta ku dhigeen todobaadkii hore. Kadib markii ay saareen hub culus oo lidka diyaaradaha ah .

Sidoo kale, waxa la sheegay  in kooxda badhcad badeeda ah la siiyay xorriyad ay ku adeegsan karaan saxiimadaha  yar yar si ay xeebta uga soo gudbistaan adeegyada ay u baahan yihiin ,maadama uu gabaabsi yahay raashinkii saarnaa Markabkaas.

Warbixntaas oo faah-faahsan oo ay heshey Shabakada Wararka ee Hayaannews ayaa waxay u dhignayd sidan:

“Sawirkii u horreyay oo laga helay markabka MV Abdullah, ayaa muujinaya sida aan horey halkan ugu soo gudbiyay in markabka hub culus oo loo lidka diyaaradaha ah la saaray, tana waxay muujinaysa kooxda markabka haysata inay khibrad ka heleen kooxdii haysatay markabka MV Ruen oo ay ciidanka badda Hindiya gacanta ku dhigeen.

MV Abdullah, ayaa hadda la sheegay shaqaalaha saaran inay ka dhex shaqeynayaan gudaha markabka, waxa ugu weyna waa inay mar walba la socdaan heer kulka markabka si aysan dab u dhalin dhuxusha saaran, si la mid ah kooxda haysata markabka ayaa la siiyay xorriyad ah inay adeegsan karaan doomaha yaryar si ay xeebta uga soo gudbisan karaan agabka ay u baahanyihiin,maaddama ay gabaabsi siigalayaan raashiinka saaran markabka. Waxaana meel ka durugsan ku sugan markaba ay leeyihiin ciidanka badda Turkiga, kaa oo la socda dhaqdhaqaaqa MV Abdullah, wuxuuna markabka ka hortagaya in kooxdan ay u adeegsadaan inay weerarro ku qaadaan markabka. Dawladda Bangladesh iyo shirkadda iska leh markabka ayaa ka hor istaagtay ciidanka badda Hindiya inay markabka ku qaadaan weerar, taana waxay dhalisay inay Hindida isaga tagaan halka uu ku suganyahay markabka. Sidoo kale, dad si dhow ula socda xaaladda markabkan waxay ii sheegeen inaysan jirin wali wax wada-hadal ah oo la xiriira madax furashada ay doonayaan kooxda markabka haysata iyo shirkadda iska leh, balse waxaa jira xiriir wanaagsan oo ka dhaxeeya, kaaso hadda ku kooban kaliya badqabka iyo la socodka xaaladda shaqaalaha iyo markabka.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland