Dowladda Soomaaliya Oo Dalkeeda Ka Caydhisay Safiirkii Itoobiya isla Markaana Sheegtay Inay Xidhay Qunsuliyadaha Itoobiya Ee Somaliland iyo Puntland.

Muqdisho(Hayaannews): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalkeeda ka caydhisay  safiirkii Itoobiya u fadhiyey Soomaaliya Mukhtaar Maxamed Waare,isla markaana sheegtay inay xirtay qunsuliyadaha ay dowladda Itoobiya ku leedahay Somaliland iyo Puntland, kadib markii ay ku eedeysay Dowladda Itoobiya inay faro-gelin ku hayso Siyaasadda arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Laba qaraar oo maanta ka soo kala  baxay golaha Wasaaradda Soomaaliya iyo wasaarada arrimaha dibada ee Soomaaliya ayaa lagu amray safiirka Itoobiya inuu 72-saac gudahood kaga baxo dalka Soomaaliya, sidoo kale,  Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha labada qunsuliyadood ee Itoobiya ayaa maanta lagu amray inay toboba maalmood gudahood kaga baxaan dalka Soomaaliya.kuna xidhaan xafiisyadooda.

Labadaas qoraal ee Dowladda Federaalka Somalia oo faah-faahsan ayaa u dhignaa sidan;

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo aan Maamulin qaybo ka mid ah Caasimada Muqdisho ayaa labadeedan qaraar ku beegmayaan xilli xiisad Siyasadeed oo ka dhalatay wax-ka-bedel distoorka KMG ka alloosan tahay gudaha Soomaaliya.

Qaraar ka soo baxay Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa lagu yidhi “Laga billaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 04 April 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xirtey islamarkaana oggolaanshihii hawlgalka oo ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, waana in ay muddo todobaad gudahiis ah ku xirtaa labadaasi qunsuliyadood.”

Dowladda ayaa sidoo kale amartay inay toddobaad gudihiis dalka uga baxaan diblomaasiyiinta Itoobiya.

“Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Ethiopia uga howlgala labada qunsuliyadood ee ka furnaa magaalooyinka kor ku xusan waa in ay dalka uga baxaan muddo todobaad gudahiis ah.”

Qaraarka ayaa sidoo kale lagu sheegay in diblomaasiyiinta Dowladda Itoobiya ee u hoggaansami waaya qaraarkan “ay galayaan xadgudub ka dhan ah Qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” lagana qaadi tallaabooyin dheeri ah oo waafaqsan xeerarka diblomaasiyadda caalamka, sida lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale, qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu amray safiirka Itoobiya Mukhtaar Maxamed Waare inuu dalka uga baxo 72 saac gudahood.

Dowladda Itoobiya ayaan weli ka hadal go’aanka dowladda Soomaaliya.

Qaraarkan ayaa imanaya ayada oo shalay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya lagu sheegay, in wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Danjire Mesganu Arga uu xafiiskiisa si diirran ugu soo dhaweeyay, wafdi uu hogaaminayo wasiirka maaliyadda ee Puntland Maxamed Farax Maxamed oo booqday Addis-Ababa.

 

Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa waxaa horey uga dhaxeeyey xiisad ka dhalatay is-afgaradkii Somaliland iyo Itoobiya ee dhigayey in Somaliland ay Itoobiya ka kireyso dhul badeed ay ka sameysato saldhig ciidamada badda ah iyo dekad, halka Itoobiya ay aqoonsaneyso Somaliland.