“Furista Ururada Siyaasada Waxaa Qeexaya Xeer 14, Waana Sharci” Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed-KAAHIN

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed

Hargeysa (Hayaannews) Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha ahna Guddoomiye ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka hadlay kulan dhex maray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbiyadda Mucaaradka ee Waddani iyo UCID oo lagaga wadahadlayay khilaafka ka taagan qabashada Doorashooyinka.

Maxamed Kaahin Axmed oo maanta la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in furista Ururada Siyaasada uu qeexayo xeer lamabar 14,waxaana uu intaasi ku daray in mawqifkoodu yahay in dariiq sharci loo maro qabashada Doorashooyinka.

Maxamed Kaahin oo Arimhaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi”Waxa laga wadahadlayay kulamadii hore ee la wada yeeshay labada Xisbi Mucaarad kulankan waaka hadleen Madaxweynaha saddex qodob ayay kala hadleen,waxaana ay kala ahaayeen arinta furista Ururada Siyaasada arinta Doorashada Madaxtooyadda iyo Koomishanka Doorashooyinka. waxaana halkaa ka soo jeediyeen in ay u arkaan farogalin gudida Madaxweynuhu magacaabay Koomishanka Doorashooyinka furista Ururada Siyaasada ay u arkaan sharci darro Doorashada Madaxtooyadda ay u arkaan in aanay diyaarsanan hawlaheedii,Madaxweynuhu waxa uu kaga jawaabay saddexdaa arimood in uu u maray dariiq sharci hadii aad hayaan dariiq kale oo qeexaya in ay sharci darro tahay sharciga ayaan u hogaansamayaa,si fiican ayaana looga dooday kumay qancin xisbiyadda Mucaaradka jawaabtii uu siiyay Madaxweynuhu ee in uu maray arimahaas dariiq sharci,”.

Wasiirka oo hadal kiisa sii wataa Waxa uu yidhi”Waxaana aan aaminsanahay qodobada laga hadlayo ee ah furista Ururada Siyaasada waxa aanu u aragnaa in uu qeexayo Xeer lambar 14, waana xeer sharciya oo Dastuuriya waxaana aanu u aragnaa in Cabdiraxmaan Cirro ku soo baxay xeerkaas.markii la magacaabay Koomishanka muddo sannad ku dhaw ayay ansixin tiisu gaadhay,Koomishankii kan ka horeeyayna way haysteen muddo labo sannadooda.markii Koomishan la magacaabayna waxa ay soo jeediyeen in la soo celiyo Koomishankii ka horeeya.waxaana ka taaganahay oo ku talinaynaa in dariiq sharci loo maro Doorashooyinka,axsaabta Maalin walba waxa ay u gidbiyaan Nairobi iyo Xamar waanu is haysanaa dagaal ayaa dhacaya, waxa aanu diyaar u nahay Doorashooyinka Ururada iyo Madaxweynaha,”.