Guddida Diwaangelinta Ururada Siyaasadda Oo La Dhaariyay Iyo Madaxweyne Biixi Oo La Dardaarmay.

Hargeysa (Hayaannews)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa Madaxweynaha Qaranka hortiisa ku dhaariyey Xubnaha guddida diiwaangelinta Ururrada iyo axsaabta siyaasadda ee ay dhawaan ansixiyeen golaha wakiilladu intoodii badnayd maanta oo Arbaca ahayd, kuwaas oo tiradoodu dhan tahay 4 (Afar) xubnood tirada la ansixiyey.

Guddoomiyuhu waxa uu xubnaha guddida mid mid gacanta ugu saaray Kitaabka Qur’aanka kariimka ah, waxana uu sida sharcigu qorayo qof qof ku dhaariyey inay ururrada, Axsaabta siyaasadda iyo bulshadaba ugu adeegi doonaan dhexdhexaadnimo iyo caddaalad inta ay xilka loo igmaday hayaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo gebogebadii dhaarta hadal u jeediyey xubnaha la dhaariyey, ayaa kula dardaarmay inay waajibka saaran gutaan, shaqadoodana si hufan u bilaabaan, isaga oo Eebbe uga baryey inuu u fududeeyey shaqada baaxadda leh ee qaranku u igmaday.

Madaxweynuhu waxa uu xubnaha la dhaariyey oo tiradoodu 4 (Afar) uu xusay inay yihiin aqlabiyadii guddidaas, shaqada loo igmadayna ay sidaas ku gudan karaan, maaddaama oo ay aqlabiyaddii yihiin, isaga oo ku adkeeyey inay hawshooda hore ka bilaabaan, si meesha looga saaro culaysyada la xidhiidha doorashooyinka dalka kusoo foolka leh.

Waxaanu yidhi, “Soo dhawaada xubnaha guddida diiwaangelinta ururrada ee kasoo gudbay codayntii Baarlamaanka. Toddoba xubnood bay ahaayeen, Afar baa ku guulaystay inay codkii kusoo gudbaan, Toddoba haddii ay ahaayeenna Afartu waa Aqlabiyad (Majority), culays badan baana na saaran oo in doorashooyinkii la dedejiyo oo maalin walba shaqo la qabto weeye.”

Kulankan dhaarinta ah oo lagu qabtay qasriga madaxtooyada, waxa goob-joog ka ahaa madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Golaha Wakiillada ayaa Isniintii todobaadkan codayn mid mid ah ku ansixiyey guddida oo muhiimad weyn u leh dhaqaajinta geedi-socodka hawlaha Doorashooyinka Dalka.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.
#Hayaannews, Office
Hargeisa, Somaliland
EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com