Golaha Danta Soomaalida Oo Si Adag Uga Hadlay Shacab Military-ga Itoobiya Laayey

Nairobi (Hayaannews):- Golaha Danta Soomaalida, ayaa si adag uga hadlay dil ay Ciidammada federaalka Itoobiya kula kaceen shacabka Soomaaliyeed ee magaalada Ayshica 27kii bishan March 2023-ka, kaddib markii ay dadka oo ka gadoodsan xasuuqa ay Canfartu ku hayso shacabka galbeedka Gobolka Sitti isugu soo baxeen waddooyinka magaaladaas, halkaas oo ay 3 Qof ku dileen, in ka badanna ku dhaawaceen Ciidanka.