Golaha Guurtida Somaliland Oo Ansixiyay Xeerka Qaxoontiga iyo Barakacayaasha

Hargeysa (Hayaannews) – Fadhigii maanta ee golaha guurtida Somaliland, oo uu shirguddoominayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi Siciid Jaamac Cali (Siciid Timo), isla markaana ay ka soo xaadireen 53 mudane oo ka mida 82-ka xildhibaan ee golahaasi ka kooban yahay.

Ayaa markii uu fadhigaaasi furmay waxa uu guddoomiye ku xigeenku ka codsaday guddoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland xildhibaan Dayib Xasan Axmed, in uu golaha ka hor akhriyo warbixintii guddidaasi, kuwaas oo inta goluhu fasaxa yahya la kulma masuuliyiinta laamaha kala duwan ee dawladda.

Waxa warbixintaasi mudanayaasha siwada jir ah ula wadaagay xildhibaan Dayib Xasan Axmed iyo xoghayaha guddida joogtada ah ee golaha guurtida Cumar Maxamed Faarax, iyaga oo ku soo bandhigay warbixin dhinacyo badan leh.

Intaas kadib waxa ay mudnayaasha golaha guurtidu ansixiyeen, Xeerka Qaxoontiga iyo Barakacayaasha, kaas oo muran badan dhaliyay.

Xeerkan ayaa lagu ansixiyay Xeerka Qaxoontiga iyo barakacayaasha Xeer Lr.103/2022.

Waxa ogolaaday 42 mudane, waxa diiday 6 mudane, waxa ka amuusay 4 mudane guddoomiyuhuna muucodayn.