Nuxurka Kulan Dhexmaray Madaxda Wasaarada Maalgashiga Somaliland iyo Ururka Warshadleyda

Hargeysa (Hayaannews)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Marwo Aamina Cilmi Fariid ayaa kulan la yeelatay Madaxda Ururka Warshadleyda dalka.

Kulanka oo ka qabsoomay xafiiska Wasaarada, isla markaana goobjoog ahaa Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cismaan Siciid. Agaasimaha Waaxda Warshadaha Mudane Fu’aad Rashiid Bullo iyo Gudoomiyaha Ururka Warshadleyda Dalka sida Guddoomiyaha iyo Xubno ka mida Ururka.

Labada dhinac ayaa la sheegay ayaa ka wada hadlay wada shaqeynta u dhexeysa iyo horumarinta kaabayaasha Warshadleyda dhinaca ka faa’iideysiga mashaariicda hay’adaha caalamiga

Labada dhinaca ayaa isla qaatay diyaarinta deraasad la xidhiidha in kheyraadka dalka dhinaca warshadeynta looga faa’iideysan karo.

Sidoo kale kulanka ayaa lagaga xaajooday u diyaargarowga qabashada shirka wada tashiga Xeerka Warshadaha oo ay Wasaraddu soo gabagabeysey iyo sidii loo diyaarin lahaa Sanduuqa Horumarinta Warshadaha dalka oo Xeerka Warshaduhu dhigayo iyo sidii hay’adaha caaalamiga ahi uga qayb qaadan lahayeen Sanduuqan.

Sidii loo fudaydin lahaa loona dhiirigelin lahaa Cashuur dhaafka Xukuumadu siiso Warshadleyda iyo sidii loo fududeyn lahaa adeeg helidooda (Hal Goob).