Golaha Wakiilada Oo Ka Hadlay Geerida Xildhibaan Ka Tirsan  Golaha Wakiilada Somaliland

Xildhibaan Nuur Cismaan Guuleed Oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland Hayaannews

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa(Hayaannews): Ku-simaha Gudoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda JSL Mudane Siciid Mire Faarax (Giire) isagoo ku hadlaya magiciisa, ka Shirgudoonka  iyo ka Xildhibaanada iyo golaha Wakiillada JSL wuxuu Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Qoyskii, Golaha Wakiillada , Shacabka iyo  guud ahaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Xildhibaan Nuur Cismaan Guuleed  oo ka tirsanaa Golaha Wakiilada JSL oo Maanta ku geeriyooday magaalada Diridhaba ee  Dalka Ethiopia.

Gudoomiyaha ayaa Ku tilmaamay Marxuumku inuu ahaa Oday qiimo weyn qaranka ku lahaa, kana soo qayb qaatay dibudhiskii dalka iyo nabadaynta beelaha JSL  xilal badana soo qabtay haddana ahaa gudoomiyaha gudida joogtada iyo anshaxa ee Golaha.

Xildhibaan Nuur Cismaan Guuleed Oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland Hayaannews

Guudoomiyuhu wuxuu ilaahay uga baryey  inuu Janatul Fardowsa aclaa ku abaaliyo samir iyo iimaan Saadiqana inaga wada siiyo kuligeen.