Kim Jong Un Oo Shaaciyay inay Dhisteen Dayax-gacmeed Loo Adeegsado Basaasidda

Lide Kore di No Kim Jong Un (a dwat) ak pitit fi li paret sou ekran televizyon an nan yon stasyon tren nan vil Seoul, kapital Kore di Sid, 19 Avril 2023 Hayaannews

SEOUL,(Hayaannews):- Hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in dalkiisu uu dhamaystiray dayax-gacmeedkii ugu horreeyey oo ay ciidamada milateriga ee dalkaasi u isticmaali doonaan hawlaha basaasidda.

Kim ayaa sheegay inay qorsheeyeen in dayaxgacmeedkaas hawada loo diro taariikh aan la shaacin, sida ay ku warantay warbaahinta ay dawladdu maamusho.

Tijaabada gantaalladii hore ayaa muujiyey in Kuuriyada Woqooyi ay awood u leedahay inay hawada u diri karto dayax-gacmeedyo, hase ahaatee waxaa khubaradu ay su’aal geliyeen in dayax-gacmeedadaasi ay yeelan karaan kamarado aad u horumarsan, oo loo isticmaali karo hawlaha basaasnimada.

Kim oo booqasho ku tegey wakaalada sahanka hawada sare ee dalkaasi ayaa sheegay in haysashada dayax-gacmeed loo isticmaalo sahanka milateriga inay muhiim u tahay dalkiisu, gaar ahaan inuu si wax ku ool ah u isticmaalo gantaallada hubka nukliyeerka xambaara.

Lide Kore di No Kim Jong Un (a dwat) ak pitit fi li paret sou ekran televizyon an nan yon stasyon tren nan vil Seoul, kapital Kore di Sid, 19 Avril 2023 Hayaannews

Kim ayaa sheegay inay jiraan haliso amni oo uga imanaya Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

AP