Guddida Sare Jaamacada ABAARSO Network, Waalidiinta Iyo Qaar Ka mida Ardaydii Oo  Si Adag Uga Jawaabay  Eedihii Loo Jeediyay Jaamacadooda.

 “Sidii aanu Siyaad Barre u jabinay ayaa ciddii la dagaalamaysa Waxbarashada Dadkayaga Aanu Uga hor-imanaynaa…”Prof Cabdisalaan Yaasin.

Hargeysa(Hayaannews): Guddida Sare ee maamulka Iskuulka, Guddida Waalidiinta, iyo qaar ka mida Ardaydii dhammeysatay Jaamacada Abaarso Network, ayaa si adag uga jawaabay eedo loo jeediyay Guddoomiyaha Jaamacadda Hablaha ee Barwaaqo Ms. Joe Isa, oo lagu eedeeyey inay ardayda kala hadashay arrimo la xidhiidha diinta Kiristaanka ee ay haysato.

Kulan ayaa waxa ka soo qeybgalay  Guddida Sare Jaamacada ABAARSO Network, Qaar ka mida Waalidiinta Ardayda wax ka dhigata Jaamacada Barwaaqo, Prof Cabdisalaan Yaasin, Aqoonyahan Maxamed Cabdi Daa’uud, Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiirey, Sheeh Cabdifataax Siciid Muuse,Hooyo Rooda Muxumed Cabdi iyo Hooyo Deeqa Waydaar, kuwaas oo dhammaantood si isku mida u sheegay inaanay ka hadhi-doonin ciddii dhaawacday sumcada hablahooda iyo Jaamacada Barwaaqo, isla markaana ay Maxkamad  la tiigsan doonaan.

Sidaa waxay ku sheegeen shir-jaraa’id oo ay si wada-jira galabta ugu qabteen Huteelka Grand HADI ee Magaalada Hargeysa.

Faadumo Cali Bille oo ka mid ahayd Ardeydii dhawaan ka qalin-jabisay Jaamacadda Barwaaqo oo halkaasi ka hadashay ayaa waxay yidhi“Waxaynu nahay bulsho 100% islaama, jaamacadda Barwaaqo waxa dhigta hablo qaan-gaadha, oo lagu soo barbaar-yay diin. Maanta ma jirto sabab Diintayada loogu qabto annaga oo ah Hablo qaan-gaadha. Aniga oo ah 20-jir sabab Diintay layga welwelo ma jirto”.

Iyada oo hadalkeeda sii wadatana waxay tidhi“Afarta qof ee inoo yimi inanga ayaa ka awood baddan, laba boqol hablood oo meel kuwada jira iyaga ayaa saameynaya kuwa inoo yimi, oo dhaqankooda iyo Diintooda u sheegaya, sabab na looga welwela ma jirto. Dacaayad iyo nusqaan ayey inagu tahay, oo waxaad Caayeysaan caqligayaga kii waalidiintayada iyo kan qarankaba.Waxani waa qaran-dumis oo Abaarso iyo Barwaaqo way dhaafsiisan tahay. Waxan waxa sameynayaa qof Somaliland cadow ku ah”  iyada oo hadalkeeda sii wadatana waxay tidhi“ILAAHAY ka cabsada sharafta ha naga qaadina oo islaam ayaanu nahay. Noloshayda afar sanno dhiganayay Barwaaqo oo waan ka qalin-jabiyay meel diin lagaga hadlayo maan arag. Sheekooyinkan Siyaasadeed inagga daaya”.

Bahja Cabdiraxmaan Cabdilaahi oo ka mid ahayd ardaydii dhawaan ka qalin-jabiyay Jaamacada Barwaaqo ayaa waxay tidhi “Dumarka macalimiinta ahi Somaliland way ku yar yihiin, markaa Somaliland way u baahnayd dumar macalimiin ah. Caruurta yaryari way u baahan yihiin inay helaan dumar macalimiina oo naxariis leh…. Macalinimadu rag qudhaata khaas u maaha, ee laakin Hablo baddan ayaanu ku soo dhaweynaynaa macalinimada”

Hooyo Deeqa Waydaar oo ka mid ahayd waalidiinta ardayda dhigata Jaamacada Barwaaqo oo halkaasi ka hadashay ayaa waxay tidhi“Jaamacada Barwaaqo,waxaanu keenay hablo aanu soo tarbiyadaynay oo soddonkooda jis laabta ku sita, haddii aanu nahay waalidiintii hablahayaga la ceebeeyey inaan ka hadhi doonin cidaa ceebeysay hablahayaga….” “Annagu Ka hadhi-mayno COLDOON, waayo hablayahaga ayaa guur -seegaya,maada uu yidhi iyada oo soddon jira ayaa diinta laga saaray”

Iyada oo hadalkeeda sii watana waxay tidhi “Coldoon maxkamadbaanu la tiigsanynaa ,Hablahayaga sumacadooda ninkaasanu u haysanaa”

Hooyo Rooda Muxumed Cabdi oo ka mid ahayd Walidiinta Ardayda Jaamacada Barwaaqo oo halkaasi ka hadashay ayaa waxay tidhi “Iskuulka Abaarso waa iskuul ay leedahay Dawlada Somaliland. Dadka ka hadlayaa baraha bulshada waa dad aqoontoodu hooseyso haday tahay ta diiniga ama ta maadiga ahba…. Waxaan aaminsanay intii furad u weyday inay iskuulka galaan, inay yihiin cadowga kowaad, maaha inaynu siyaasadeyno Waxbarashadeena…cidii caddaynaysa waxyaabahan la sheegayo waa inay keenaan”

Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiirey oo ka mida Culimada waa weyn reer Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi: “Waxaan aad ugu faraxsanay 16-kii Arday ee ka qalin-jabiyay Jaamacada Barwaaqo inay inantaydii ku jirtay, oo cilmigeeda, Diinteeda, iyo aqoonteeda aan aad ugu faraxsanay. Dad aynu kala Diin-nahay ayaa Kontamadii halkan wax ka dhigi jiray, lixdamadii ayay ka dhigi jireen, toddobaatanadii ayay ka dhigi jireen, inaguma cusba dad ajanebiya oo aynu kala Diin-nahay oo iskuuladeena wax ka dhiga. Mid kasta oo Jaamacad taga waxa uu la tagaa calanka Somaliland. Anigu Nin Wadaad ah ayaan ahay Ubadkayga ma u diri lahaa meel xun, annaga ayay caqligayaga xaqirayaan, adigu qaabka aad doonto u noolow, laakin haygu khasbin inaan u noolaado sidaad doonayso adigu. Meesha aqoon ayaa taala ‘Barwaaqo’, markaa dhamaanteena aynu u wada hiilino…Baraha bulshaduna waxay u baahan yihiin sharci”

Prof Cabdisalaan Yaasin  oo ka mida Aasaasayaashi Jaamacada Bawaaqo oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan ahay Aasaasayaashi SNM,waxaan ahay aasaasayaashi Somaliland, waxaan ahay aasaasayaashi Iskuulka Abaarso iyo Jaamacada Bawaaqo, Somaliland aanu leenahay cidna noogama lexe-jeclo badna iskuulka Abaarso waxa aasaasay Bile Cismaan Cabdi iyo ninka ay ehelka yihiin Jonatan waxay ula yimaadeen Axmed Xuseen Ciise kadib markii ay halkan la yimaadeen ayaa waxa la gartay in iskuulkaasi la dhiso”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Iskuulkaasi waxa maanta ilaashanaysa reer Somaliland oodhan oo waxa ugu horeeya reer Abaarso. Barwaaqo oo ah Jaamacadii ka farcantay. Iskuulku waxa uu keenay waxaan weligeed cid keenin, iskuulku waxa uu deeq-waxbarasho u diray oo ka baxay in ka baddan 150- Arday oo ka tirsan iskuul oo loo diray jaamacadaha aduunka oodhan, lacagta ardaydaasi ku baxday waa $37 Million Dollar, marka laga reebo kuwa halkan lagu tababarayay iyo lacagtii ku baxday. May keenin dawladii ingiriisku, May keenin dawladii Siyaad barre, dawladeenaan Somaliland may keen oo intaas oo arday dibada umay dirin. Waxa layaab leh nimankan Wadaada sheeganaya hadana Jaamacada gaarka ah ee aynu hablaheena u sameynay inay dadka khal-khalka geliyaan dadka ay wax ka si yihiin”

“Sidii aanu Siyaad Barre ula dagaalanay ee aanu u jabinay ayaa cid alla ciddii la dagaalamaysa waxbarashada dadkayaga aanu uga hor-imanaynaa. Iskuulkani waxa uu ka mid yahay  Sideeda iskuul ee Afrika oodhan laga ictiraafsan yahay. Iskuulkan waxa leh Jamhuuriyadda Somaliland oo cid wax yeeli karta ma jirto”.Ayuu yidhi Prof Cabdisalaan Yaasin.

Sheeh Cabdifataax Siciid Muuse oo halkaasi ka hadlay ayaa beenin eedeymaha loo jeediyay iskuu Abaarso Iyo Jaamacada Barwaawqo, isaga oo ku dooday inay hadh iyo habeenba ka war-hayaan, waxaanu yidhi “Gabadha la yidhi Diin Kiristana ayay faafinaysay waa in la keena caddaynteedii… oo ninka Somaliland ku soo duulay waa inaan Sacabka loo tumin”

Wasiir Hore ee Cadaalada Somaliland Axmed Caddare oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Been ayaa la fidiyay oo cadow ayaa ku soo duulay Somaliland, Jaamacada Barwaaqo waxa dhashay Abaarso waa markii ugu horeysay ee Somaliland laga sameeyo Jaamacada hablaha.Jaamacadani umadda Islaamka ayay anfacaysa, ninka leh waxbaa la gaalaynayaa waxba kama jiraan ee kaalay oo arag oo soo booqo”

Aqoonyahan Maxamed Cabdi Daa’uud  oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “ Ninkaa “COLDOON” iyo niman kaleba waxa ku xidhan cadowga Somaliland oo aan doonayn inay talaabsato, oo ay ka buuxsantay Iskuulka Abaarso Iyo Jaamacada Barwaaqo. Looma ogola qof aan Somaliland u dhallan,….waxani waa xasad, waa edeb-darro wixii caddayn ay hayaan ha la yimaadaan”

Dhinaca Kale, Abaarso  Network, waxay  sheegeen inay muddo 12 sannadood ah  ay waxbarasho heerkeedu sarrayso ay ka taabogeliyeen Somaliland, isla markaana Hoggaamiyeyaasha iyo Macalimiintoodu ay ka caawiyeen mutacalimiinta soo koraysa ee Somaliland inay helaan deeqo waxbarasho oo ay dalka dibadiisa ku soo qaataan oo ku baxday $37 Milyan oo Doolar.

Waxa  kaloo ay tilmaameen in muddadii ay jireen ay qaateen macalimiin shisheeye ah oo si joogto ah u caddeeyey inay xushmad u hayaan dhaqanka reer Somaliland iyo diinta Islaamkaba.

Maamulka Abaarso Network, waxa ay intaas ku dareen in dhammaan shaqaalahooda ay ka saxeexeen waxyaabihii looga baahnaa heshiisyadooda iyo xeerka Anshaxa oo ka mamnuucayey hawlwadeennada Abaarso inay kala hadlaan ardayda ay waxbarayaan waxyaabaha ay aaminsan yihiin, cidii ku guuldaraysata nidaamkaasna ay ku khasbanaayeen inay si degdeg ah uga saaraan shaqada

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com