Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka Soomaaliya Oo Xlkii La Wareegay

Muqdisho(Hayaannew): Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Shiikh Aadan Maxamed Nuur ayaa maanta si rasmi ah xilka guddoonka golahaasi ugala wareegay Guddomiyihii Baarlamankii 10-aad Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman.

Shirka Golaha Shacabka ee maanta ayaa ahaa kii u horreeyey ee baarlamaanku yeesho tan iyo markii Shiikh Aadan Madoobe loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha baarlamaanka.

Kulankan ayaa sidoo kale waxa goob-joog ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo guddoomiye ku xigeenka labaad Cabdullahi Cumar Abshirow oo Khamiistii lagu doortay Muqdisho.

Aadan Madoobe ayaa gunaanadkii shirka ku dhawaaqay in Golaha Shacabku uu geli doono fasaxa Ciidda, islamarkaana uu dib kal-fadhiyadiisa u bilaaban doono 4-ta bisha soo socota ee May.

Guddoomiye Sheikh Aadan Madoobe ayaa sheegay inuu barlamaanku ku shaqayn doono si daacad ah oo dastuurka waafaqsan, si dalka looga saaro marxalada uu ku sugan yahay.

Wuxuu sheegay inuu barlamaanku sixi doono wax kasta oo horyaalla marka ay dib u gasoo laabtaan fasaxa Ciidda kadib.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in 4ta bisha May uu barlamaanku ansixin doono miisaaniyada dalka iyo doorashada gudigii qaban lahaa doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.