SOMALILAND: Aas Qaran Oo Loo Sameeyey General Jaamac Maxamed Qaalin Iyo Xukuumadda Oo Ka Qeybgashay

Hargeysa (Hayaannews )- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, xubno kamida Golaha Wasiirrada, madaxda goleyaasha kale ee qaranka, asxaabta qaranka iyo boqolaal ka kooban qaybaha bulshada, ayaa ka qaybgalay jannaasada alle ha u naxariisto’e Gen. Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac yare) oo si heer qaran ah loogu aasay deegaanka Toon ee Koonfurta Magaalada Hargeysa maalintii shalay , kaddib markii laga soo qaaday maydka 27-kii bishan Dalka Djibouti oo uu ku geeriyooday 26/04/2022.

Alle ha u naxariisto’e Jaamac yare, ayaa ahaa Oday, aqoonyan iyo khabiir Ciidan oo kaalin weyn ka soo qaatay halgankii iyo dhismihii dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo xilal ka soo qabtay xukuumaddihii dib-u-dhiska Waddanka, waxaanu ugu geeriyooday dalka Djibouti xannuun Wadnaha ka haleellay oo uu muddo u jiifay.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ay isaga iyo masuuliyiinta kale ee dawladduba hadallo tacsi ah ka jeediyeen goobta lagu aasay, ayaa tacsi u diray ehelka, qaraabada iyo guud ahaan qaranka Somaliland ee uu ka baxay.

Mudane Saylici, ayaa marxuumka ku sifeeyey shakhsiyad tacab badan u qabtay umaddiisa, wakhti dheerna u soo shaqeeyey “Jaamac Maxamed Qaalib wuxuu ahaa muwaadin in badan soo shaqaynayey oo reer Somaliland ah oo hawlo badan u soo qabtay Jamhuuriyaddii Soomaali iyo qaranka Somaliland-ba”ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka JSL oo alle uga baryey inuu jannada ka waraabiyo marxuumka, qoyska, qaraabada iyo ehelka uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Wasiirrada, arrimaha gudaha, Khayraadka Biyaha, shaqada iyo arrimaha bulshada, Xannaanada Xoollaha iyo Kalluumaysiga, ganacsiga iyo dalxiiska, guddoomiye ku-xigeenka golaha Wakiillada, duqa caasimada Hargeysa, siyaasiyiin, madaxdhqameedyo iyo xildhibaanno ka tirsan goleyaasha baarlamanka oo halkaasi ka hadlay, ayaa alle u waydiiyey marxuumka naxariis iyo janno, kana tacsiyadeeyey qaranka uu ka baxay.

“Jaamac Maxamed Qaalib wuxuu ahaa raggii dawladdii Kacaanka ahayd ee Siyaad Barre markii ay farsamaddeedu xumaatay aad uga soo horjeestay ee qaybta libaax ka qaatay halgankii SNM “ayuu ku sifeeyey shakhsiyada marxuumka Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga iyo xannnaanada Xoollaha Siciid Sulub Maxamed.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Biyaha Cali Xasan Maxamed ayaa tilmaamay laba sifo oo laga wariyey shakhsiyadda marxuum Jaamac Maxamed Qaalib “wuxuu ahaa Nin Cibaado badan, waxa kale oo uu ahaa qof shaqo oo aan waligii Balwad nooca ay tahayba lagu arrag”ayuu yidhi Wasiir Cali-mareexaan.

Dadka aqoonta shakhsiga ah u lahaa marxuumku waxay isku raaceen inuu ahaa shakhsi cibaaddo badan, af-gaaban oo aan dadka ku xad-gudbi jirin, isla markaana aqoontiisa uga faa’ideeyey umadda Somaliland iyo Soomaaliya intii madaxda ka ahaa nidaamyadii lagu midaysnaa iyo markii la kala go’ayba.

Waxyaabaha kale ee laga xusay waxa kamid ahaa in Jaamac Maxamed Qaalib uu ahaa nin adkaysi badan, iskoris ku soo barbaaray, isagu wax is baray, waxbarasho nidaami ah aan soo marin, balse ka dheereeyey kuwii soo maray. Waxa uu ahaa nin xuuustiisu ay aad u heer sarraysay, siyaasadda aragti cad ka lahaa, qalinkiisuna uu runta yaqaanay.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Mustafe-Janaale

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com