Guddoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga WADDANI Ee Qaarada Yurub Oo Balan-qaaday Inay Abaal-marin Siin Doonto Ciyaartoyga Ugu Goolasha Baddan


Hargeysa(Hayaannews): Guddoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Waddani ee Qaarada Yurub  Farduus  Cismaan Hamashool  ayaa balanqaaday in ay siin doonto abaal marin ay ku farxaan Ciyaartoyga ugu goolasha bata ee tartanka ciyaaraha gobalada Somaliland.

Farduus Cismaan ayaa waxa ay  soo dhaweysay  tartanka ciyaaraha gobalada Somaliland  ee ka socda garoonka Kubadda Cagta ee  Hargeysa  Stadium,waxaana ay  hambalyo u dirtay warbaahinta sida tooska ah u soo tabinaya Ciyaaraha gobalada dalka.

“Dhammaan dadkayga aan aadka u Jecelahay waxaan hambalyo iyo duco u dirayaa Tartanka Ciyaaraha Qaranka Somaliland ee ka bilabmay Caasimadda dalka,waxaan Boogaadinayaa Warbaahinta sida tooska ah noola socodsiinaysa ee dedaalka iyo Juhdiga geliyey si aanu u daawano,”. Ayey yitidhi Farduus Cismaan

Farduus Hamashool ayaa sidan soo dhigtay Barta ay  ku leedahay  Facbook  waxaana  uu  u dhignaa sidan”Aniga oo ah Guddoomiyaha Qaarada Europe ee Garabka Haweenka Xisbiga Waddani  waxaan u  balan-qadayaa  Ciyaartoyga ugu goolasha bata iyo kooxda Guulaysata gool hay,ahooda  in  aan siin doono abaal marin ay ku Farxaan si aan u dhiiri geliyo dedaalka ay sameyeen,”.

Guddoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Waddani ee Qaarada Yurub  Farduus  Cismaan Hamashool

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com