Guddoomiyaha Koomishanka oo ka Digay in Carruurta aan Qaangadhin la Keeno Goobah Diwaangelinta

Hargeysa (Hayaannews) Guddoomiyaha koomishanka doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf, ayaa kadigey in caruurta aan gaadhin da’da diwaangelinta in la keeno goobaha ay ka socoto diwaangelinta codbixiyayaasha,waxaanu si cad u sheegay in ay celin doonaan, waxaanu soo jeediyay in la ilaaliyo anshaxa iyo kala danbaynta.

Sidoo kale waxa uu sigaar ah ugu mahadceliyay ciidamada Qaranka ee sugayay abniga goobaha diwaangelinta iyo
shaqaalaha guddida doorashooyinka oo uu sheegay in duruufo adag ay la soo mareen mudadii ay socotay
diwaangelintu.

Geesta kale waxa uu kormeer ku soo maray goobaha Diiwaangalinta Codbixiyeyaasha ee magaalada Hargeysa.
Waxaanu yidhi.“Waxaan sigaar ah ugu mahadcelinaya ciidamada Qaranka Somaliland, ee goobaha abnigooda
sugayay waxaan u mahadceilnaya shaqaalaha koomishanka ee heergobol, heer degmo iyo kuwa goobaha ka

hawlgalayay, kuwaas oo duruufo adag la soo maray mudadii shaqadu socotay, kuna soo shaqeeyay meelo xeebo
ah, meelo xuduudo ah, iyo haddii ay magaaladaba tahay.

Waxa aan bulshada reer Somaliland ugu baaqaya in labadaas cisho ka faa’idaystaan, nidaamka iyo sharcigana
ilaaliya, horena waanu u sheegnay, waxa aanu idinka codsanayna caruurta ka yar dada’ qaangaadhka ee wakhtiga
diwaangelinta gaadhin in aan goobaha diwaangelinta la keenin, sababto ah dib ayaanu u celinaynaa, waxaad
ilaalisaan anshaxa iyo abniga.

ALLE ayaynu weydiisanayna in uu si khayr iyo nabadgelyo ah inoogu dhammeyo labadaas cisho diwaangelinta
codbixiyayaasha,”