Mucaaridka Waxaad Moodaa inay sii Hurinayaan Xaalada Laascaanood” Xoghayaha Guud ee KULMIYE

Hargeysa (Hayaannews)- Xoghayaha guud ee Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE Mudane Faysal Cabdiraxmaan
Madar ayaa xisbiyada mucaaridka ah ee dalka (Xisbiga WADDANI iyo Xisbiga UCID) ku eedeeyay in ay sii
hurinayaal oo ay siyaasadaynayaan xaaladda ka jirta Magaalada Laascaanood oo maalmihii ugu dambeeyay
kacsanayd.
Xoghayaha guud ee Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE Mudane Faysal Cabdiraxmaan Madar waxa uu sida ka
sheegay kormeer shalay masuuliyiinta sar sare ee xisbigu ku soo maray xafiisyada xisbigu ku leeyahay qaar ka mid

ah degmooyinka caasimadda Hargeysa iyo goobo ay ka socoto hawsha diiwaangelinta codbixiyayaasha
doorashooyinka dalku.
Xoghayaha guud ee Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE Mudane Faysal Cabdiraxmaan Madar waxa uu Illaahay
uga baryay bulshada magaalada Laascaanood iyo guud ahaan bulshada ku dhaqan gobolka Sool nabadgelyo iyo
xasilooni, waxaanu sheegay in magaalada Laascaanood uu ka hirgalay horumar la taaban karo muddadii ay
xukuumadda Somaliland ka talinaysay.
Xoghaya guud ee Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE Mudane Faysal Cabdiraxmaan Madar oo arrimahaasi ka
hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan Illaahay uga baryayaa nabadgelyo iyo xasilooni bulshada reer Laascaanood iyo
guud ahaan dadweynaha ku dhaqan gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaynu la soconaa in
magaaladeeni Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ay mudooyinkii u dambeeyay ka jirtay xasilooni darro,
dhammaan bulshada rer Somaliland waxaan u soo jeedinayaa baaq nabadgelyo.”
Xoghayaha guud ee Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE Mudane Faysal Cabdiraxmaan Madar waxa uu sheegay
in magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool uu ka hanaqaaday horumar la taaban karo, muddadii ay ka
talinaysay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu yidhi “Muddadii ay xukuumadda Jamhuuriyadda
Somaliland ka talinaysay horumar ballaadhan ayay gaadheen bulshada ku dhaqan magaalada Laascaanood iyo
guud ahaan dadweynaha gobolka Sool. Waxaan leeyahay horumarkaa ballaadhan ee aad gaadheen hoos u eega oo
arka oo Alxamdulillaah dhaha oo gacmaha shisheeye iyo dabinada cadawgu yaanay noqonin kuwo aad si fudud ugu
dhacdaan.”


Xoghayaha guud ee Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE Mudane Faysal Cabdiraxmaan Madar waxa kale oo uu
sheegay in xisbiyada mucaaridka Somaliland ay u muuqdaan kuwo sii hurinaya xaaladda ka jirta magaalada
Laascaanood waxaanu yidhi “Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ayaan arkayay oo aad moodo qaabka ay u
dhaqmayaan in ay hurinayaan xaaladda ka jirta magaalada Laascaanood, marka ay dhibaato dhacdo mucaarid iyo
muxaafidba waynu wada leenahay, waana in aynu dhinac uga soo wada jeedsano oo aynu qarannimada wada
difaacno, laakiin haddii aynu ku wiirsano oo aynu ku faraxno waxa Laascaanood ka dhacaya oo aynu xukuumadda
dhaliil uga dhigno markaa waxay noqonaysaa in cadawgaa dibada aynaan waxba kaga duwanayn.”