Guddoomiyaha Urur-Siyaasaddeedka Dimuqraadiyadda Shacabka Somaliland Oo Bogaadiyey Shucuubta Islaamka Munaasibadda CIIDAL FITRIGA

Hargeysa (#Hayaannews)- Guddoomiyaha Urur Siyaasaddeedka Dimuqraadiyadda Shacabka Somaliland Ahmed Abdalla Digaale, Ayaa Dhambaal HAMBALYO Ah U Diray Guud Ahaanba Shucuubta Islaamka, Dadka Soomaaliyeed, Gaar Ahaan Ummadda Reer Somaliland Munaasibadda Ciida Soon-fur Awgeed.

Guddoomiye Ahmed Abdalla Digaale, Ayaa Dhammaan-ba Ummadda Islaamka, Dadka Soomaaliyeed, Gaar Ahaan Shacabka Reer Somaliland Ku Hambalyeeyey Munaasibadda Ciidda Ramadan, Waxaanu Ku Yidhi Guddoomiyaha Ururka Dimuqraadiyadda Shacabka Somaliland Md Ahmed Abdalla Digaale “Kuli Wa’antu Bil Khayr, Waxaan Halkan Dhambaal Hambalyo Ah Kula Waddaagayayaa, Dhammaan-ba Shucuubta Islaamka, Ummadda Soomaaliyeed, Gaar Ahaan Reer Somaliland Oo Aan Leeyahay Ku Ciid Farxad Iyo Barwaaqo, Ilaahay-na ha Inagu Gaadhsiiyo Ciiddan, Ciiddeedda Nabad Qab Iyo Barwaaqo.”

Guddoomiyaha Urur Siyaasaddeedka Dimuqraadiyadda Shacabka Somaliland Ahmed Abdalla Digaale, Ayaa Geesta Eebbe Uga Baryeyaa Caalamka Islaamka Oo Dhan Inuu Ka Aqbalo Guddashadda Camaashii Kala Iyo Khayrkii Bisha Barakaysan Ee Ramadan Ee Aynu Soo Guddanay, Waxaanu Guddoomiyuhu “Anigoo Idin la Qaybsannay Farxadda Munaasibadda Ciidda Soon-fur, Waxaan Ilaahay Uga Baryeyaa Dhammaan-ba Ummadda Islaamka Inuu Inaga Aqbalo Guddashadda Cimaabaddii, Camaashii Iyo Khayrkii Bisha Barakaysan Ee Ramadan Ee Aynu Soo Guddanay”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com