Somaliland Oo Mareykanka U Gudbisay Xogta Khasaaraha Suuqa Gubtay ee WAAHEEN.

Nairobi (Hayaannews)- Safiirka Somaliland ee dalka Kenya Prof Maxamed Barwaani ayaa kulan kula yeeshay dhigiisa dalka Maraykanka Md. Larry André xafiiskiisa.

Kulanka labada dhinac ayaa la sheegay in lagaga wada hadlay dhibaatadii dabkii suuqa Waahen iyo sida looga qeybqaadanayo taakulayntiisa.

Qoraal lagu baahiyey barta rasmiga ah ee Twitter, ee Safaarada JSL ee dalka Kenya ayaa lagu yidhi,

“Safiirka Maraykanka u fadhiya Dalka Kenya Md. Larry Andre oo booqasho ku yimi safaaradda JSL ee dalka Kenya, isla markaana kulan kula qaatay Safiirka Eng Maxamed Barwaani iyo masuuliyiin kale.

Qoraalka Safaaradda ayaa la raaciyey in labada Safiir ka wada hadleen saamaynta dabkii suuqa Waaheen, iyo arrimo kaloo dannaha labada wadan ee Somaliland iyo Maraykanka.”

Safiirka JSL ee Kenya Prof Maxamed Barwaani oo ayaa bogaadiyey booqashada Safiirka Maraykanku ugu yimi, waxaanu fariin uu bartiisa Twitter shalay ku baahiyey ku yidhi,

“Aad ayaan ugu faraxsanahay qaabilaada U.S Amb. Andrè oo booqasho salaan ah ku yimi Safaarada Somaliland ee Kenya. Runtii aad baan ugu faraxsanahay in aan arko Safiirka oo ka damqaday dabkii Suuqa Waaheen ka kacay. Waxa kale oo aanu ka wada hadalnay arrimo badan oo khuseeya Geeska iyo Somaliland.” Ayuu yidhi, Safiir Prof. Maxamed.

Safiirka Maraykanka ayey kulanka ku wehelinayeen dublamaasiyiin ka tirsan Safaaradiisa, halka Safiirka JSL uu kulanka ku wehelinayeen dublamaasiyiin ka tirsan safaarada Somaliland ee dalka Kenya.

Kulanka Safiirka Maraykanka ayaa imanaya xilli, bil horteed wefdi balaadhan oo Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi hogaamiyey ka soo noqdeen booqasho ay ku tageen dalka Maraykanka, oo guulo dublamaasiyadeed aanay JSL hore u gaadhin 31-kii sannadood ee xornimadeeda dib ula soo noqotay.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Mustafe-Janaale

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com