Gudoomiye-ku-xigeenka 2aad Ee Golaha Wakiilada Somaliland Oo Canada Kaga Qayb-galaya  Munaasibad Lagu Xusayo Sanad-guurada 32aad  Ee madax-banaanida Somaliland 18-Ka MAY.

Canada(Hayaannews): Xubno ka mid ah Madaxda Dowladda Somaliland ayaa u kala ambobaxay wadamo ka tirsan qaarada Yurub iyo Waqooyiga Ameerica oo ay kaga qayb gali doonaan Munaasibado lagu maamusayo xuska Sanadguurada 32aad ee ka soo wareegtey maalintii lagaga dhawaaqay Magaalada Burco Madaxbanaanida iyo Qaranimadda Somaliland.kuwaas oo ay qaban qaabinayaan Jaaliyaddaha Reer Somaliland ee ku dhaqan qaaradahaas.

Gudoomiye-ku-xigeenka 2aad ee golaha Wakiiladda Somaliland Md. Cali Xaamud Jibriil ayaa ka degay madaarka Ottawa oo ah  Caasumada Wadanka Canada kadib markii uu martiqaad ka helay qurbo joogta Somaliland ee dalkaas.waxaana halkaas si diiran ugu soo doweyey Wakiilka Somaliland ee dalka Canada Marwo Luul Cismaan, Xildhibaan Khadar Guun oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, Marwo Suhuur Xasan Abiib oo ka tirsan Saraakiisha sar sare ee Urur-Siyaasadeedka WAABERI, iyo xubno ka mid ah Jaaliyada Somaliland ee Magaalooyinka Toronto iyo Ottawa.

Gudoomiye ku xigeenka 2 aad ee Gollaha Wakiilada Somaliland Cali Xaamud Jibriil oo casuumad rasmi ah oo ay u fidiyeen qurbo-joogta waddanka Canada ayaa ka soo degay Caasimada waddanka Canada ee Ottawa

Waxaana halkaa si diiran ugu soo dhawaysay Wakiilka Somaaliland ee dalka Canada Marwo Luul Cismaan Xildhibaan Khadar oo ka mid ah Gollaha Wakiilada iyo xubno ka mid ah jaaliyada Somaliland ee magaalooyinka Toronto iyo Ottawa.

Gudoomiyaha Qurbo-joogta ee Qaarada Ameerika Cabdiqani Axmed Askar ayaa xusay in Gudoomiye xigeenka Gollaha Wakiilada ee Somaliland mudadda uu joogo uu ka qayb-gali doono munaasibadaha lagu xusayo maalmaha lagu weynaynayo xuska sanad-guurada 32aad ee madax-banaanida iyo qaranimada somaliland ee 18-ka May

Gudoomiyaha Qurbo-joogta ee qaarada Ameerika Md. Cabdiqani Axmed Askar oo hadalkiisa sii wata waxa uu tilmaamay in sanadkan 2023 ay noqon doonto waqooyiga Ameerica sanad ka sii awood baddan kor-u-qaadida xuska Qaranimada Somaliland isagoo Qurbo-joogta Waqooyiga Amerika ugu baaqay xoojinta qaranimada Somaliland

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com