SOOMAALIYA: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Amray Hirgelinta Awaamiinta La Dagaallanka musuqmaasuqa

Madaxweynaha dowladda Federaalkaa Xasan SHeekh Maxamuud ayaa taageeray habraaca la-dagallanka musuqmaasuqa, kaas oo kasoo baxay kulankii golaha wasiiradda, isaga oo amray in la hilgeliyo.

“La-dagaallanka musuqmaasuqu ma ah oo kaliya akhlaaqda lagama maarmaanka ah, laakiin sidoo kale waxay shardi u tahay horumar waara iyo Soomaliya loo siman yahay. Waxaa naga go’an inaan dhisno hab daah-furnaan iyo isla xisaabtan, oo u adeega dhammaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu Xasan Sheekh ku yiri bayaan uu soo saaray.

“Dowlad dhiska, amniga iyo dadaallada horumarinta dhaqaale ee Soomaaliya waxay taagan yihiin marxalad muhim ah . Si dadaalladan guul looga gaaro waa in la hubiyo dowladnimo ku dhisan la xisaabtan” ayuu raaciyay.

“U hogaansanaan la’aanta bareerka ah ee awaamiirtan waxay keeni doonta cawaaqibta tallaabo sharci ah” ayuu raaciyay Xasan Sheekh Maxamuud.