“Halganka, Xornimo-doonka iyo Shahiidnimadu Waa Farxad iyo Ummad Loo Taliyo, Mana Aha Wax Laga Baqo….” Madaxweyne Biixi 


Hargeysa(Hayaannews) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed-dheere) guddoonsiiyey billad-sharafta ugu weyn ee maamuuska qaranka Somaliland lagu bixiyo, Baasaboorka Somaliland oo Diblomaasi ah iyo mulkiyadda dhul uu duuliyuhu leeyahay oo looga binayn doono dhisme guri isaga u gaar ah.

,“Dhibaatadii dhacday iyo gabbood-falkii dhacay wax lasoo koobi karo ma aha, waxana mahad iska leh raggii iyo haweenkii guntiga dhiisha iskaga dhigay ee u duubtay inay badbaadiyaan oo dadkii iyo dalkii ka qaadaan nidaamkii waxshiga ahaa oo marka horeba midiidin u ahaa gumaysigii dalka haysan jirey,”Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed-dheere).

“Dilka Soomaaliyeed wuu qaybsamayaa uun cid keliya oo calaamadlihi oo ku dhimanaysaa ma jirto laakiin, ilaahay isagaa qaadira… Axmed naftiisu khatar geliyey”Ibraahim Dhegeweyne

“Taariikhda uruuriya, waar taariikhdeena ilaaliya, haddii ka nooli maanta taariikh waayo kii geeriyoodayna taariikh heli maayo, ubadkii aynu dhalnay ee soo korayeyna taariikh heli maayaan. Taariikhdu waa qori isu dhiib, jiilba inuu jiilka kale xasuusiyo ayaa loo baahan yahay” Mujaahid Axmed Mire Maxamed

“Munaasibadani waa mid farxad gaar ah leh, waa mid taariikh gaar ah leh, waa mid lama ilaawaan ah, doqona loo sheegi maayo nin ragg ahina waa og yahay waxay tahay” Saleebaan Cumar Ku Joog

“Axmed ku dayasho ayuu mudan yahay, naftiisa ayuu khatar galiyey, khatartaas waxaa ka xumayd in uu dad maato ah uu Bam ku garaaco, waxaanu doortay inuu naftiisa haligo. Waxa aan soo jeedin lahaa in Axmed Jaamaacadaha Somaliland la geeyo oo dhallinyaradeena u sheego sababta ku kaliftay isaga oo War-dhiiglay ka yimi in uu Hargeysa badbaadiyo” Baashe Maxamed Faarax, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland

“Axmed Dheere, mar waxa uu ka badbaaday ciqaab, dad maati ah oo aan waxba galabsan in uu laayo, aakhiradiisa ayuu badbaadiyey, marna waxa uu badbaadiyey wax bini’aadamka taariikhdiisa ku yar oo ah in diyaaradii magaalada ay ka kacayso dib u duqayso ” Guddomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Axmed-ayaasiin Sheekh Cali Ayaanle

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayannewssoma@gmail.com