Haweenka Jigjiga Oo Ku Dhawaaqey inay joojiyeen Kharashkii Faraha Badan Ee Ku Bixi jirey Guurka

Jigjiga(Hayaannews):Haween-weynaha Dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ee D.D.S ayaa soo saaray maanta go’aamo lagu fududeynayo Guurka, kuwaas oo culeyska ka yareynaya raga guursanaya,

waxaanay go’aamadaasi ka koobnaayeen afar qodob waxaanay kala yihiin sidan:

  1. In la joojiyo lacagta horumarinta ah ee laga keenayo gabdhaha.
  2. In la joojiyo alaabta diiqada.
  3. Wiilku hantida uu qaraabada gabadha siinayo in uu si qarsoodi ah u siiyo iyo
  4. In la joojiyo kharashaadka faraha badan ee lagu bixiyo huteellada xiliyada guurka.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: hayaannewsonline@gmail.com