Warbaahinta Global Voice Ayaa Wax Ka Qortay Cilaaqaadka Isa Soo Taraya Ee U Dhexeeya Dalalka Somaliland iyo Taiwan

Taiwan(Hayaannews): Warbixin Global Voice ka qoray xidhiidhka iskaashi iyo diblomaadiyadeed Somaliland iyo Taiwan, oo ay  soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxa  lagu sheegay in iskaashiga labada dal uu bilaabmay sannadkii 2020kii oo ay labada dawladood ee aan la aqoonsani ay isku dhaafsadeen xafiisyo wakiillo ah oo ka dhigan sidii safaaradaha.

Warsiduhu wuxuu shaaciyay in Somaliland iyo Taiwan ay iska kaashadaan dhinacyada Beeraha iyo Tiknoolajiyada, isla markaana ay iska shabahaan dhinacyada xasiloonida iyo dimuqraadiyadda ay caanka ku noqdeen.

Global Voice wuxuu intaas ku daray in Somaliland iyo Taiwan iskaga mid yihiin in mid waliba ay raadinayso aqoonsi caalamiya iyo inay kaalin ku yeeshaan saaxada siyaasadda dunida.

Waxa kaloo ay warbixintu intaas ku dartay in Somaliland iyo Taiwan wax wada qabsigoodu isku beddelay mid u gudbay labada shacab.

Sidoo kale warbixintaas waxa lagu bayaamiyay in isfaham ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Taiwan 31 July 2023 ay ku xoojiyeen cilaaqaadkooda ganacsiga, maalgashiga, macdan qodista iyo kalluumaysiga.

Warbixintu waxa ay sheegtay in Somaliland ay Geeska Afrika kaga taallo bogcad istaraataji ah isla markaana dekedda Berbera ay ku socoto inay noqoto xuddunta ganacsi ee bariga Afrika.