Hay’adda shaqaalaha Dawladda Oo Shaacisay Diiwaan-gelinta Shaqaalahadda Dawladda Hoose Ee Hargeysa.

Hargeysa (Hayaannews)-Masuuliyiinta hay’adda shaqaalaha iyo dawladda hoose ee Hargeysa ayaa wadajir u sheegay in la diiwaan gelin doona shaqaalahadda dawladda hoose ee Hargeysa. Gaar ahaa shaqaalaha darajada A,iyo B.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in diiwaangelin iyo qiimeyn loo samayn doono shaqaalada dawladda hoose iyadoo laga qaadi doono imtixaan.

Kulankaasi waxa kasoo qayb galay Meeyarka caasimadda Hargeysa iyo guddoomiye-yaasha degmooyinka iyo sidoo kale agaasime waaxeedyada dawladda hoose.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Farxaan Aadan Haybe ayaa sheegay in shaqaalaha darajada A,-da iyo B-da la ururinayo xogtooda lana diiwaan geliyo guddoomiyaha ayaa xusay xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinku uu farayo in hay’adda shaqaalaha dawladdu ay hayso xogta shaqaalaha A, iyo B. Waxaanu intaa ku daray in la magacaabay guddi farsamo oo ka kooban dhinacyada ay hawshaasi quseyso.