JIGJIGA: Dowlad-deegaanka Soomaalida Oo Ruqsadda Kala Noqotay Warbaahinta Soomaaliga Ku Hadasha

Jigjiga (Hayaannews):- Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), ayaa albaabada u xidhay, isla markaana Ruqsadaha kala noqday MM Somali TV, BBC News Somali, Universal Somali TV iyo dhamaan warbaahinta ku hadasha afka Soomaaliga ee deegaanka ka hawl-galayey.
War-saxaafadeed caawa fiidkii ka soo baxay xafiiska warfaafinta deegaanka, ayaa lagu sheegay in ay fulinayaan amar uga yimid dawladda federaalka Itoobiya, haseyeeshee, siyaasiyiin aan la hadlay, ayaa ii xaqiijiyey in Mustafe Cagjar uu ka dalbaday wakaaladda warfaafinta heer federaal inay u soo qoraan warqad uu marmarsiiyo uga dhigto inuu Deegaanka ka saaro warbaahinta Soomaalida.
Si kastaba ha ahaatee, go’aankan ayaa waxa uu imanayaa xilli ay soo baxayaan musuqmaasuq baahsan oo lagu eedaynayo Mustafe Cagjar iyo xubnaha ugu dhadhow ee xukuumaddiisa, sidoo kalena ay deegaanka ka jiraan abaaro dad u dhinteen, waxaana la rumaysan yahay in go’aankan lagaga hortegayo in sxaafaddu hesho musuqa iyo xogta dadka abaaraha u dhimanaya.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com