KEYDSAN Sawa Beauty Salon Oo Markii U Horeysay Magaalada Hargeysa Ka Furtay Qololka Uumiga iyo Duugida (Steaming iyo Massaging)

The owner of KEYDSAN Sawa Beauty Salon, Mrs. Amran Odowa Raagge

Hargeysa(Hayaannews): Meherada qurxinta Haweenka ee KEYDSAN Sawa Beauty Salon ayaa ka furtey Magaalada Hargeysa qololka Uumiga iyo Duugida (Steaming iyo Massaging) iyo weliba koonfer casriya oo dhameystiran oo loogu adeegi doono dumarka.

Mulkiilaha Meherada qurxinta Haweenka ee KEYDSAN Sawa Beauty Salon Marwo Amran Odowaa Raagge oo ka hadashay munaasibadii xadhig ka jarida ayaa waxay u mahad-celisay dhammaan dadweynihii ka soo qeybgalay xaflada waxaanay tidhi ‘Waxaanu u diyaarinay qolkii uumiga ‘Room Steaming’ iyo qolkii duugida ‘Room Massaging”,timo dhisidii, Weji qurxintii, iyo Kooferkii dumarka  oo casriya oo dhameystiran. Markaa waxaan leeyahay ku soo dhawaada reer Somaliland”

“Haween-weynaha reer Somaliland ha moogaanina meheradan casriga ah KEYDSAN Sawa Beauty Salon oo aad heli doontaan qiiimo jaban iyo raali-gelin ee ku soo yaaca. Insha Alaahu dhowaana waxaanu furi doona qeybihii raga oo dhameystiran”.Ayey tidhi Marwo Amran Odowa.

Marwo Amran Odowaa ayaa sheegtay inay hamigeedi ka midho dhalisay, waxaanay tidhi“In baddan ayaan ku hamiyey inaan meheradan ka furo Caasimada Somaliland ee Hargeysa Al-xamdulilaah maanta ayay ii suurtagashay ILAAHAY-na waan ugu mahad-naqayaa”

Gudoomiyaha Urur-Siyaasadeedka Tallo-wadaag Ibraahim Mahdi Buubaa, Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka OGAAL Rooda Cabdi Muuse, Xildhibaan Maxamed Abiib Siikaawi oo ka mida mudanayaasha Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa iyo Faadumo Aadan,Samsam Maxamed Cige,oo halkaasi ka hadlay ayaa dhammaantood si isku mida u soo dhaweeyey Meherada KEYDSAN Sawa Beauty Salon oo sameysay Qololka Uumiga iyo Duugida (Steaming iyo Massaging) isla markaana waxay ILAAHAY uga baryeen inuu barakeeyo oo ay weligeed jirto

HALKAN HOOSE KA DAAWO

The owner of KEYDSAN Sawa Beauty Salon, Mrs. Amran Odowa Raagge

Mustafe-Janaale

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: hayaannewsonline@gmail.com