Komiishanka Doorashooyinka Somaliland Iyo Madaxweyne Muuse Biixi Oo Noqdey Bariis Isku Dhex Karis Ah.

Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo Aamusnaantooda xad dhaafka ah la moodo iney yihiin Gashaantiyo Xishood badan ayaa iminka la gaadhey xilligii laga ka sugayey iney soo saaraan Jadwalka Doorashooyinka Somaliland si ay meesha uga baxaan tuhunka iyo xanta sheegaysa inuu toos ula wareegay shaqadii distoorku u madaxabaneeyey guddigaas  MW Muuse Biixi, oo aan isagu ahayn Komishineer, balse, mar walba oo uu hadlo sheega in la qaban doono Doorashada Ururadda Siyaasada Somaliland, taas oo aaney hal mar xataa ka jawaabin Gudidda Doorashooyinka ee uu ku faro geliyey shaqadooda.Waxaana biyo kama dhibcaan ah in soo saarida Jadwalka Doorashooyinku meesha ka saari doono khilaafka u dhexeeya sadexda Xisbi qaran oo iyagu ku muransan sida ay u soo kala horeynayaan labada doorasho ee Madaxweyne iyo Ururada Siyaasada Somaliland.

“Ninka yidhi waxbaan gani anoo gol iyo cayn jooga , godka lagu cadaabuhu muxuu go’ahu been sheegay”Seyid Maxamed.

Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa qiimeyn lagu sameeyey aqoontooda waxbarasho iyo waayo-aragnimadooda shaqo kadib la ogaadey inay yihiin kuwa ugu tayada xun.uguna Awooda liita intii Komiishan soo martey dalka Somaliland. Taas oo sababi karta iney lumiyaan kal-soonida lagu qabey dhex-dhexaadnimadooda iney ugu garsoori dooraan Xisbiyada Qaranka iyo Ururada Siyaasada Somaliland.