Dawlada SOMALILAND Oo Ka Hadashay Shaqaaqadii Ka Dhacday Gobolka Togdheer.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed

Burco(Hayaannews): Guddi Wasiirro ah oo Xukuumaddu u xil-saartay daminta Colaad laba Beelood ku dhex martay deegaanka Cali Saahid ee Gobolka Togdheer, ayaa ka hadlay heshiis Xabad-joojineed oo Waxgaradka labada Beelood wada gaadheen.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin oo Guddiga Wasiirrada ah Guddoomiye u ah, ayaa Shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Burco ku sheegay in Xukuuamaddu fulinayso go’aanada heshiiska labada Beelood, kuwaasi oo ay ka mid yihiin in la kala qaado Maleeshiyaadka labada Beelood, si looga fogaado dhibaato kale oo dhacda.

Wasiirku wuxuu digniin u diray Cid kasta oo jabisa heshiiska nabadeed ee Beelaha Walaalaha ah ee ku dagalaamay deegaanka Cali Saahid ee Gobolka Togdheer.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed